SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on June 14, 2009

           Somaliland_COA    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

                                                                        Date: 14/06/09 

     Warsaxaafadeed 

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta booqasho gaar ah ugu kicitimay dalka Kuwait. Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo booqashada ugu amba baxay dalka Kuwait la filayo in ay qaadato muddo dhawr maalmood ah, waxa uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, isaga oo sii raacay diyaarad khaas ah oo si toos ah u gaynaysa Dalka Kuwait. Madaxweynuhu inta uu joogo dalka Kuwait waxa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeelan doono Madax ka tirsan Boqortooyada Kuwait oo ay ka wada hadli doonaan Iskaashiga iyo wax wada qabsi dhinacyo badan ah oo ay ka mid tahay dhinacyada Dhaqaalaha iyo Nabad gelyada. Wefdiga Madaxweynaha ee Maanta u amba baxay dalka Kuwayt waxa kale oo ka mid ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xasan Ibraahim Warsame iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.  

      Alla Mahad leh   

    Siciid Cadaani Mooge

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: