SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Fannaanada Caanka ah ee Maryan Mursal oo si Ballaadhan loogu Soo Dhaweeyey Hargeysa [Sawiro]

    Posted by Sawnews.tk on June 12, 2009

    maryanmur01Hargeysa(Sawnews)Fannaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise, ayaa maanta si aad ballaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay ka soo duushay dalka Ingiriiska, gaar ahaan garoonka caalamiga ah ee Get-way Airport magaalada London.

    Fannaanada Maryan Mursal oo imaantinkeeda si weyn loo sugayey waxa soo dhaweynteeda madaarka Egal Airport kaga qaybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Md. Mahdi Cismaan Buuri, sariifka Irland Mr. Cabdifataax iyo saraakiil kale oo dhinaca arrimaha dibadaha, madaxdhaqameed, fannaaniin tiro badan oo ku lebisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka iyo dadweyne aad u badan oo sitay calanka Somaliland.

    Dadweynahaas faraha badnaa ee halkaas iskugu yimi waxay fannaanada Maryan Mursal markii ay ka soo degtay diyaaraha iyadoo ku lebisan maryo laga tolay calanka Somaliland u soo dhaweeyeen si kal iyo laab ah oo qof waliba isku dayey inuu gacmihiisa la gaadho.

    Fannaanada ayaa intaa kadib lagu soo dhaweeyye qolka nasashada ee VIP-da, waxaana halkaas fannaaniintii joogay uga qaadeen hees ay ugu talogalayeen soo dhaweynteeda.

    Maryal Mursal oo warbaahinta la hadashay iyadoo indhaheeda ilmo ku taagan tahay, waxaanay u mahadnaqday dhamaan dadkii kala duwanaa ee soo dhaweeyey.

    Maryan Mursal waxay sheegtay inay jeclaatay inay dalkeeda hooyo dib ugu soo laabato, iyadoo ujeedada ugu weyna ku tilmaantay dugsi ay ka dhisayso xaafada Daami ee magaalada Hargeysa.

    “Marka hore waad salaamantihiin dhammaantiin aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay sida la ii soo dhaweeyey. Ujeedada socdaalkaygu waxa weeye sidii aan xaafada Daami uga dhisi lahaa iskuul aan ugu magic-darro Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi),” ayey tidhi Maryan Mursal Ciise.

    Maryan Mursal waxay si aad ah u ammaantay nabadgelyada ka jirta Somaliland oo ay ku tilmaamtay inay tahay waxa ugu weyn ee adduunka ka jira.

    Iyadoo arrintaa ka hadlaysayna waxay tidhi; “Mar walba waxaan jecelahay in aan idin xasuusiyo waxaan anigu sheegay waxaad idinku gacmihiina ku samaysateen weeye, laakiin waxaan idin leeyahay Ilaahay ha idiin siyaasiyo. Adduunyada waxa ugu qaalisani waa nabadda, nabadiina waad samaysateen oo shicib iyo dawladba waad isugu tagteen, waxa qaaliga ah ee isugu keen keenay maanta halkan aynu joogno waa nabada aad samaysateen. Soomaaliweyn waxaan ku idhi sanadkan ha la iila guntado Somaliland sidii ay bulshada caalamka aqoonsi uga heli lahayd, laakiin nin kasta oo soomali ah meel kasta ha joogee oo nabad samaysta intaanu u tagno ayaanu iskuulana u dhisaynaa.”

    Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa aad u soo dhaweeyey fannaanada oo uu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland martiqaad u fidiyey.

    “Marka hore Maryan Mursal waxaan leeyahay ku soo dhawow dalkaagii hooyo, run ahaantii Madaxweynaha Somaliland ayaa fannaanada ku martiqaaday dalka, anigana isaga ayaa ii wakiishay oo igu yidhi soo dhawee, ummadda Somaliland dhammaanteed way u heelanayd imaantinkeeda. Waxaan leeyahay Maryan dalkaagii baad timi ee ku soo dhawow,” ayuu yidhi Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble

    maryanmur04maryanmur03maryanmur01
    .
    maryanmur01

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: