SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Sirta ku gadaaman mashruucan Ceel-Berdaale…!

    Posted by Sawnews.tk on June 11, 2009

    ist2_6212280-orange-man-and-the-big-questionMashruucan Ceel berdaale ee colaadu ka aloosantahay waxa uu leehay taariikh dheer oo ay ku dheehantahay dhagar colaad iyo awood ku dirir. Tasoo lahaanshiisa Sheekhii hore ee ina Raage uu la kaashaday xukumaddii ama awoodda wakhtigaa jirta.

    Hadii uu ahaan lahaa hanti uu isagu iska leehay looma baahdeen in lala hoos galo awood dawladeed waayo qofka hantidiisa oo xalaala heystaa uma baahna inuu awood xukumadeed oo had iyo jeer ilaalisa uu raadiyo.Waxase uu mashruucani noqday booli ninkii lahaa laga dhacayo oo marwalba lala raadinayo awood dawladeed farsamo kastaba haloo mare eh.

    Waxa haddaba arimahaas Qoraal tariikhi ka sanmeeyey oo doodii ku soo bandhigay duqeydii beelaha Reer Nour. Waxa kale isna Qoraal aad uqoto dheer ka sameeyey oo ku qoran English,Mr.Jacfar sheekh Dhimbiil kasoo cinwaankiisu ahaa:Gabiley Degmo Suga.

    Waxa haddaba intaas soo raaca Suldaan mohamed Abdulqaadir oo shalay wareysi uu siiyey Idaacadda Horyaal markale ka markhaati kacay in mashruucan ceelberdaale uu ka dhexeeyey sheekha ina Rage iyo xertisii, waxa uu sheegay inay xertiisa ay ka mid ahaayeen sidii horeba qoraalada loogu sheegay madaxdii Dawladii hore gaar ahaan shantii nin ee ugu sareysay ee gudiga siyasadda ee golihii sare ee kacaanka.

    Waxa beeraha iska lahaa oo la kala siiyey oo loo bixiyey magacyadoodii sida:Beertii Siyaad bare,Beertii Cali Samater, beertii Kulmiye iyo beertii ina Dafle iwm.Hadaba markii shalay suldaanku arintaas ka hadlay ayaa dad badan oo Hargeysa ku nool iyo magaaloyinka kale ee S/Land waxa ay is weydiinayaan waar beertani dhib badana maxay beerihii kale ay dheertahay,iyo magac xumadeenna bilaa beertani ay S/Land burburisaa.

    Waxa uu Suldaanku ku baaqay in reer Awdal hubka laga dhigo iyadoo la inagu amaanay inaan nahay S/Land dad amaankoodii ka adkaaday oo xasilyey oo aan hubna shacabku heysan tasoo aduunyada aan gadhsiinay la inagana arkay muddo 17 sano ah oo aan nabad gelyo ku caano maalay.Iyadoo aanay jirin mudadaas beelaha is dhalay ee galbeedka oo dhul isku heysta haba yaraatee oo nin waliba meshii ilaahay ku abuuray uu deganyahay oo raali la iska yahay dadkuna dibad iyo gudaba ay gacmaha isqabsadeen wixii ka horeeyey mashruucii diiwaangelinta Awdal ee sanadkan horaantiisii.

    Haddaba nin waxgarad ah oo magaciisaa la yidhaa Ismaciil Baashe oo Hargeysa ku nool ayaa soo maray meel makhaayad ah oo dadku shaaha ku cabaan kuna sheekeytaan kolba xaladda taagan. Waxa hadaba dadkaas ay mujinayaan walaac dheerad ah iyo cawaaqibta ay keen karto arintani hadaan aad looga fiirsan.

    Ismaciil Baashe ayaa markii uu arkay dadkan walaaca arintan ka heysta iyo sida aanay waxba ugu ogeyn ayaa waxa uu dareemay inuu waxa uga sheego arintan Ceelberdaale. Ismaciil Baashe: waxa uu yidhi war nimanyahow waxba ma ogidin eh warbaan idiin hayaa i dhageystaa. Waxa uu yidhi anigu inta badan suuqa kuma qayilo waxa aan fadhiistaa Maqaam meel aan idinka fogeyn ku yaala oo uu leeyahay In Raage waa wiilkii uu dhalay sheekhii Ceel berdaale ee hore. Waxa maqaamkan fadhiista rag madax ah oo ka tirsan xukuumadda, guurtida, golaha wakiilada iyo wax garad kale iyo mayaacmustari ku wasoo qarkood ka tirsanaan jireen xertii hore ee sheekhii in raage iyo kuwo cusub intaba.

    Waxan in badan dhageystay taarikhda iyo asraarta ku duugan Beertan oo aydaan idinku ogeyn.waxa kaloo aan dhageystay tariikhdii ina raage ee asaasay beertan.Waxa uu sheekhu ahaa sida aan ka maqlay maqaamka oo magaciisu aad ugu weynahay inuu ahaa nin ay junuud kale ay weheliyeen oo jinka iyo insigaba la hadliriray, oo waxa soo socda saadalin kara, waxyaabaha qaarkoodna manaam(riyo) lagu tuso kuwasoo inta badan rumoobay.

    Waxa uu haddaba sheekhu ka yimid Jijiga halkasoo ay Rooxaani ka soo raacday 1961,waxa uu sheekhu iyo xer yar oo la socotayba uu salka dhigtay Ceelberdaale oo beer yar laga siiyey halkasoo uu ka sameeyey maqaamkii u horeyey.Waxa sheekhu muddo ka dib xertiisi ka mid noqday niman madaxa iyo saraakiil dawldaa ka tirsan halkaasoo ay ka wada hadli jireen xaladda siyaasdeed ee dalku ku jiro.

    Waxa hadaba mudo ka dib uu sheekhu Manaam ku arkay General Siyaad Bare oo xukunkii qabsaday.Waxa uu manaamkaas isla markiiba uu u sheegay Maxamuud ciise oo wakhtigaa ahaa wasiirka beeraha. Maxamuud ciise oo ahaa xerta sheekha waa uu rumeystay Riyadaas sheekha,waxana uu ka tagay shaqadiisi wasiirka beeraha.waxana uu yimid Ceel berdaale halkaasoo uu madax ka noqday dhinaca maamulka ee beertii mashruucan lagu bilaabay. Maxamuud Ciise waxa uu mashruuca uga soo helay Fund badan oo ay siisay heyadda USAID 1960dii mashruucan.Waxa la galay Votkii doorashadii 1969 waxa ku guuleystay Cigaal (alla ha u naxariiste) oo ahaa Raysal wasaarihii xukuumadaas.

    Waxa kursigiisi doorashada Hargeysa ka waayey Cumar Carte Qaaalib oo ay qaraabo ahaayen Maxamuud ciise.Cumar carte oo aad u walwalsan kana xun guuldaradaas aya maxamuud Ciise u yimid,markaas ayuu ku yidhi Cumarow ha warwarin wax baan kuu ogahay wiigan dabeed eh Cumar oo aad ula yaaban ayaa weydiiyey waxa uu ula jeedo.

    Waxa uu yidhi Maxamud ciise waxa jira manaam(riyo) uu ku riyooday sheekhii aan xertiisa ahaa oo beri hore dhacay kasoo ah inuu isbedel imanayo oo General Siyad bare dalka qabsanay dhawaan adiguna aad noqondoonto ninka hagaya isbedelkaas oo ah wasiir muhiim ah.Anigu waanigii wasiirka ahaa oo waad ogtahay sidaas awgeed baan uga soo tagay oo aan ceelberdaale u fadhiistay sheekha dinaciisa.Cumar markii uu dib u eegay Maxamuud ciise iyo wasiirnimadsii iyo bishaaradiisa dhinaciisa ah waxbaa ku yar duulay hadalkisina waa uu rumeystay.

    Wax yar ka dib inqilaabkii baa dhacay Cumarna waxa uu noqday wasiirkii arimaha dibadda Cumar riyadii ayuu u sheegay Siyad barre iyo sheekha ku riyooday,booqashadii u horeysay ee uu ku yimid gobolada woqooyi waxa uu ku tagay Ceelberdaale halkaas oo ay siyaad bare iyo sheekhii ay garbaha iska dhunkadeen.Halkas oo siyaad bare usheegay sheekha in riyadiisii ay rumooday oo uu walaakii yahay wax walba uu la garab joogo, mashruucanna uu noqon doono mid midho dhaliya oo xeebta Lughaya gaara.

    Markaa ka dib dhaqaale ayaa la siiyey ciidan baa la siiyey,ka dibna dhul 90 km oo isku wareeg ah ayuu dadkii deganaa laga baro kiciyey oo laga qaatay.Mashruucii waxa uu noqday hanti ka dhaxeysa sheekha iyo xertiisa oo ah golihii sare kacanka ilaa intii xukuumaddi hore jirtay.Mashruucii waxa uula burburay xukumadii dhistay,dadkii dhulka laga boobayna dhulkoodii ayey ku soo noqdeen.

    Sheekhii waa uu dhintay laakiin maqaam baa ka hadhay Hargeysa ayuu ku yaal. waxa maqaamkaan sheekh ua ah wiilkii uu dhalay ina Raage.Sidii abihii ayuu isna wiilkii ina raage Manaam kale ayuu arkay(riyo) sanadkii hore 2008 badhtamahiisii. waxay riyadaas ay sheegtay sida ismaciil baashe sheegay in Saleman gaal uu dalkan S/land inqilaab guurti ku qabsan doono.saleman arinkaa markii lo sheegay waa uu rumeystay tababulshaheydiina waa socdaa waxa ka mid ahaa:

    1-isku daygii inqilaabkii 6dii April
    2- colaad abuurkan Ceel berdaale iwm.
    3- guurtidii Diiriye ee dhexdhexaadinta.
    4- weerarkii u komishinka iyo xukumadaba ku qaaday saleman iwm

    Marka inqilaabkaasi suuragalo waxa mashruucii Ceel berdaale loo soo celindoona ina raage .
    waxa Saleman Gaal la siin doonaa beerta ugu weyn sidii siyad Bare,magaciisana waa lagu xardhi doonaa. Diiriye gudoomiyhii dhexdhexaadinta waxa uu qaadan doonaa beertii Cali samater, magaciisana waa loo bixin doonaa. Beerihii kale ee Kulmiye iyo ina Dafle waxa jira rag tartan ugu jira oo aan weli soo kala bixin, sida suldaan mohamed iwm.

    Ismaciil Baashe waxa uu hadalkiisii ku soo gunaanaday in xerta maqaamku ay ku duceystaan shalaadkana ku qaadaan in ilaahay nasriga siin doono,oo ay ugu horeyso beerta la soo celiyo lahaanshaheeda ka dibna xukunka .waayo waxa ay rumeysanyihiin xertu in rooxaan iyo junuud jinka iyo insigaba la hadashaa ay beerta taalo oo sheekhii hore kaga tagay.Inay sidaas tahay waxa kuu cadeynaya Cigaal ayaa u fidiyey wiilka ina Raage inuu xeebta Bulo xaar iyo Berbera udhaxaysa beer ka siiyo oo ka weyn tan cidina aanay ku qabsan doonan madaama halkan ceelberdaale dadkii lahaa ku soo noqdeen si uu mashkaladan u dhameeyo laakiin waa uu diiday.

    Waxa ay rumeysanyihiin inay rooxaantaasi inqilaabka ay fududeyn doonto sidii Siyad bare ay u garab galeen wakhtigii inqilaabka.haddaba Ismaciil isagoo hadalkisii sii wata waxa uu yidhi: halka ay saleman Gaal iska seegeen ugu horeystii xerta waxa ay aheyd isagoo aan beertii qaban ayuu inqilaabkii bilaabay 6dii April ee dhicisoobay.

    laakiin imika wuu fahmay in horta beerta la qabto oo ay arimuhu sidaas ukala horeeyaan sidaas awgeed ayaana uu gudigan Diiriye usaaray si uu waajibaadka ka saaran soo celinta beerta u guto.Ismaciil Baashe hadalkisi waxa u ku soo gunaanaday wixii dhacaya ilaah baa garan laakiin walaacaas iyo wararkaas waan idin la qabaa in arintaasi ay dhib u keeni karto S/land ku habsata dhamaanteed.

    Maxamed Dhiirane
    Email: mohameddrn@yahoo.ca

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: