SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Marxuum Cabdi Xasan Buuni oo aas qaran loo sameeyey, laguna Aasay magalada Boorama, waxa ka soo qayb galay Madaxayne Dahir Rayaale iyo madaxda xisbiyada qaranka +sawiro

    Posted by Sawnews.tk on June 11, 2009

    aaska%20buuni%204Boorama(Bnn)Saaka subaxnimadii abaaro 8:00 waxaa iskugu yimid dadwayne aad u tiro badan kuwaas oo buux dhaafshay garoonka diyaaradaha ee Aadan Isaaq International  Airport ee  Borama.

    Dadkaasi oo iskugu jiray dhaamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rag iyo dumar , wayeel iyo caruur .
     

    Waxaa aad loo adkeeyay amaanka garoonka oo si wayn loo ilaalinayay waxaana ay ishaydu qabanaysay cutubyada ciidanka dawlada oo ay kamid yihiin ciidanka Police-ka ciidanka Milatariga iyo kuwa Asluubta, waxaa halkaasi ka muuqday oo si wayn hawlaha uwaday taliyaha qaybta Cabdilaahi iyo kuxigeenkiisa Cismaan Haari iyo waliba taliyaha  ciidanka Police ka degmada Muuse aw Cabdilaahi Hanfi (Muuse Kaadhiin) dhamaan saraakiishana waxa ay si aad uga dhex muuqdeen dadwaynaha waxaa iyaguna halkaasi joogay maamulka gobolka o ay ka mid ahaayeen badhesaabka gobolka Awdal  iyo Duqa magaalada Borama iyo xoghaya dawla hoose.  

    Waxan iyaguna Meesha ka maqnayn oo  si aad uga dhex muuqday xubnaha dawlada oo ay ku jiraan wasiiro ,xubno kamida baarlamaanka , asxaabta qaran oo ugu horeeyo godoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badan ku waas oo kasocday haayadaha caalamiga iyo waliba salaadiin aad utiro badan .

     

    Abaaro 10:00 waxaa halkaasi soo gaadhay madaxwaynaha Dawlada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin kaasi oo siwayn loogu soo dhaweeyay garoonka .

     

    Si kastaba ha ahaatee dadwaynaha halkaa iskugu yimid ayaa ahaa abid kuwii ugu badnaa ee iskugu yimaada aaskan qaran ee Wasiirkii Xidhiidhka Goloyaasha Somaliland Marxuum Cabdi Xasan Buuni.

     

    Marku yimid Madaxwaynaha Qaranku ayaa si aad loo adkeeya amniga taas oo loo diiday wax dhaqdhaqaaq ah Ciidanka Qaranka mooyee Waxaa halkaasi iyaguna shaqo kawaday Saxaafada oo loo ogola inay iyagu hawshooda wataan.

     

    Isku soo wada duuboo marakay saacadu ahay 11:00 pm waxaa  soo gashay diyaaradii siday Marxuumka, markii lamaqlay xiinkeedii ayaa dadku si aad ah u wada kacay dareenkoodu kuwaas oo ay wajiyadooda kamuuqatay tiiraanyo aad ah oo aad ka dareemi kartay jawigaa ay ku sugnaayeen.

     

    Intaasi kadin waxaa la bilaabay Salaadii Janaaisada in lagu tukado Marxuumka waxaana salada tujinaayay  Sh.C/laahi Sh. Cali Jawhar waxan safka hore ka muuqday qaybaha kal duwan ee dawlada oo uguna horreeyay Madaxwayne Rayaale.

    Markii ay Janaasadii dhamaatay waxaa halkaa ka duceeyay Sh.C/laahi

    In yar kadib waxaa maydkii loo soo qaaday goobtii loogu talo galay in lagu aasay oo ku taala dhinaca W/bari ee magaala Borama  amaba xaafada Sh.C/Jawhar halkaasi oo lagu aasay Marxuumka.

     

     Baas-buuni-17.JPG
    aas-buuni-18.JPG
    aas-buuni-5.JPG
    aas-buuni-6.JPG
    aas-buuni-7.JPG
    aas-buuni-8.JPG
    aas-buuni-9.JPG
    aas-buuni-10.JPG
    aas-buuni-11.JPG
    aas-buuni-12.JPG
    aas-buuni-13.JPG
    aas-buuni-14.JPG
    aas-buuni-15.JPG
    aas-buuni-16.JPG
    aas-buuni-4.JPG
    aas-buuni-19.JPG
    aas-buuni-20.JPG
    aas-buuni-21.JPG
    aas-buuni-22.JPG
    aas-buuni-24.JPG
    aas-buuni-25.JPG
    aas-buuni-27.JPG
    aas-buuni-31.JPG
    aas-buuni-32.JPG
    aas-buuni-34.JPG
    aas-buuni-35.JPG
    BoramaNews /lughay

     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: