SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflada xidhitaanka sannad dugsiyeedka 2008/2009 ee dugsiga sare ee Aden Isaq ee magaalada Borama + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on June 10, 2009

     aden4Borama(Sawnews) Xaflad si weyn loo agaasimay ayaa lagu qabtey dugsiga sare ee Aden Isaq oo maanta lasoo gabagayeeyey sanad dugsiiyeedkii 2008-2009. Xaflad xidhitaanka dugsiga sare ee Aden Isaaq ee degmada Borama ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo kala socotey: Wasaarada waxbarashada ee gobolka Awdal, Culimaa udiin, Aqoonyahan, waalidiinta Ardayda wax ka barata dugsiga iyo xubno kale oo bulshada nuucyadeeda kala duwan ka socday.

     

    Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal Mudane Dahir Maxamuud Xadi oo ka waramay tariikhda dugsiga sare ee Aden Isaq ayaa waxa uu sheegay in dugsigan la asaasay  dabayaaqadii sanadka 2008 bishii Ogosto, waxana uu intaa ku daray gudoomiyuhu in markii hore dugsigan la odhan jiray ama lagu magacaabi jiray (New Amoud Secondary School) . Gudoomiyaha wakaalada waxbarashad gobolka Awdal Mudane Xadi ayaa waxa kale oo uu ka waramay marxadihii uu dugsigani soo maray mudadii uu furnaa waxaanu sheegay in mudooyinkii ugu horeysay uu dugsigu ka koobnaa 4 fasal oo kala ah 4 fasal oo kala ah 3 form one ah iyo 1 form 2 tiradiisa guud ee ardayda ka wax ka baratana ay tahay  202 oo arday oo kala ah   (155wiilal + 47 gabdho ah).

    Sidoo kale waxa isaguna hadal gaaban kasoo jeediyey munaasibada xidhitaanka dugsiga gudoomiyaha Jaamacada Cammuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed. Pro. Guleed oo ka xoog waramay ahmiyada uu dugsigani u leeyahay magaalada ayaa ku nuuxnuuxsaday  inayna aadmigu horumar marnaba gaadhi karin iyadoo aan aqoonta sarey loo qaadin isla markaana aan si wadajir ah loola dagaalamin caam ahaan jahliga dhibaatada weyn ku haya bulshada inteeda badan.

    Pro. Guleed oo si gaara ula hadlayey ardayda sanadkan ka qalin jabin doonto sugsiga ayaa sheegay inay aad ugu soo dhaweyn doonaan ardayda dugsiga inay waxbarashada sare ku qataan jaamacada Camuud . Isagoo hadalkiisa sii wadatana waxa uu yidhi ” Waxaad wada ogsoon tihiin in dhamaan macalimiinta maanta wax ka dhigta dugsigan Aden Isaq ay yihiin ardaydii horey uga qalin jabisey Jaamacada Camuud oo tayodoodu aad u sarayso. Waxana arinkaa idiinka daliil ah darajada aqooneed ama buundooyinka aad  ku arkaysid ardayda dugsiga intooda badan oo lagu tilmaami karo inay si weyn uga dhaxleen aqoonyahanadii aanu kusoo tababarnay Jaamacada Camuud waxaanan idiinku soo dhawayn doonaa idina inaad sidoo kale fursad idiinku siino Jaamacada Camuud inaad waxbarashadiina sare ku qaadan doontaan uguna faa iidayn doontaan jiilka idinka danbeeya ee soo koraya”aden6 Source Saylac.comisak1isak2

    Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda cammuud ‘prof Axmed C/Laahi Boqore’ ayaa isaguna hadalo dhaxal gal ah kasoo jeediyey munaasibada xidhitaanka Dugsiga Aden Isaq ee degmada Borama. Sidoo kale Maamulaha dugsiga ‘Maxamuu Daahir Coofle” oo ka hadlay taariikhda dugsiga iyo heerka waxbarashadiisa. Waxaa kale oo ka hadlay sh. Cali Aaden Nuur oo ardayda kala hadlay akhlaaqda iyo dhaqanka fiican. Sidoo kale waxaa ka hadlay guddoomiyaha waxbarashada oo ka hadlay xidhiidhka wasaarada iyo dugsigan kuna tilmaamay in uu xidhiidh wayni ka dhaxeeyo iyo wax qabdkii uu ka geystay hirgalinta dugsiga. Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu ka hadlay taariikhii dheerayd ee marxuum Aaden Isaaq Axmed.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: