SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Marxuum Faarax Shuun oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Borama

    Posted by Sawnews.tk on June 10, 2009

    22oct819Prof. Faarax waxa uu ka soo baxay labo jaamacadood oo ku kala yaal USA & UK Lafoolena waannu ka soo wada shaqaynney’ Prof. Suleiman Guuleed
    macallimiintii wax i soo bartey waxay ahaayeen ardeydii Prof Faarax-Shuun” (Sul. Ibraahim Jaamac Samater
    nin ka mid ah ardeydii waagii aad raysalwasaaraha ahayd Maraykan u dirtey ayaa maanta Raba inuu Jaamacad dalka ka asaaso, Faaarax-Shuun baa Cigaal ku yidhi markii … Xaaaji Miizaan
    “Prof Faarax-Shuun 1948-kii ayaanu is baranay waxuuna ahaa qof Mideeya dadka reer Awdal jecelna in uu cilmigiisa…Ibraahim Magan
    Prof. Faarax-Shuun waxa uu ahaa nin cadaalad badan oo musuqmaasuqa iyo laalaabadka neceb ” Prof. Dahir Xaddi

     

     

    Borama (lug)- Allaha u naxariistee waxa maanta magaalada Borama lagu aasay Faarax C/laahi Fariid (Faarax- Shuun), Allaha u naxariistee Marxuum Faarax muddo badan ayuu uk xanuusanayay magaalada Borama, iyadoo waxaana uu uk geeriyooday saaka 07:10am subaxnimo uu ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaala Badhtamaha magaalada Borama xaafada Sisibta.

    Prof Faarax Shuun waxa uu dhashay Sanadkii 1937-kii oo uu ku dhashay degaanka degmada Saylac , Faarax shuun oo maanta lagu aasay Xabaalaha Caro qoolaab oo 3km ka xigta magaalada Borama dhinaca Bari ayaa waxa aaskiisa ka qayb galay dad aad tiro badan oo iskugu jiray dadwaawayn, Dhalinyaro iyo Caruur waxaana dadku ay qariyeen inuu Faarax Shuun ahaa nin ka shaqayn jiray dhinaca waxbarashada, waxana aaska Marxuum Faarax C/laahi Fariid (Faarax Shuun) ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige, Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Gudoomiyaha Waxbarashada G/Awdal Prof. Daahir Maxamuud Xadi, Gudoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh, Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Camuud Prof.Axmed C/laahi Boqore, hormoodka kuliyadaha kala duwan ee jaamacada camuud, Salaadiin, Odayaal iyo waxgarad tiro badan, Maamulka iyo Arydada dhigata Jaamacada Eelo American University, Ardayda dhigata dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee magaalada Borama.

    Waxaa marxuum Allaha u naxariistee taariikhdiisii si kooban uga faalooday Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof.Saleebaan Axmed Guuleed waxuuna cadeeyey in Faarax shuun uu ka soo baxay labo jaamacadood oo ku kala yaala Maraykanka iyo Ingiriiska waxuuna tilmaamay inay iskugu yimaadeen Jaamacadii Lafoole oo uu qayb maamulayay Prof Faarax isaguna uu macalin ka ahaa, waxuuna tilmaamay in Faarax uu ka mid ahaa Saddex macalin oo aasaasayaashii Jaamacada Camuud wax ka dhigayay oo uu ku sheegay inay ahaayeen Allaha u naxariistee Marxuum Faarax, Saleebaan iyo Abokor.

    Xaaji Axmed Miisaan oo ka mid ah Boardka jaamacada Camuud ayaa sheegay in wakhtigii la aasaasayay Jaamacada Camuud uu Prof Faarax Ka mid ahaa ragii aanu isku raacnay Allaha u naxariistee Madaxwaynihii geeriyooday ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo kalmadii uu faarax ku yidhi oo ahayd “ NIn wakhtigii aad dowladii Somalia ee aad Raysalwasaaraha ahyad ka mid ahaa ardeydii aad dibada ugu diray waxbarasho jaamacadeed oo Maraykan ah ayaa raba inuu maanta jiilka soo kacaya u sameeyo Jaamacada ” kalmadiibaana naloogu aqoonsaday Jaamacada Camuud oo ay ku bilaabantay.

    Waxaa isaguna Marxuumka taariikhdiisa wax nooga sheegay Ibraahim Magan Nuur waxuuna yidhi “Prof Faarax Shuun 1948-kii ayaanu is baranay waxuuna ahaa qof Mideeya dadka reer Awdal waxuuna ku can ahaa inay dadku isugu mid u yihiin isla markaana uu jeclaa in aqoonta iyo Cilmiga uu yaqaano uu wada gaadhsiiyo dadka oo dhan taasina ilaa maanta iyo intii uu noolaa, gurigiisa ayuu wax ku barayay waxaanuu tacsi u diray eheladiisii iyo qaraabaidi uu ka geeriyooday.

    Gudoomiyaha Shirkada biyaha ee SHABA Maxamed Nuur Faahiye ayaa sheegay (in prof.Faarax Shuun ay ku kala leexdeen Prof uu u leexday inuu dadka wax sii baro, halka Aniguna Askari aan ka noqday, waxuuna Prof.Faarax caan ku ahaa oo uu jeclaa in dadka wax la baro).

    Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa isaguna tilmaamay inuu ay ardeydii ka aflaxdey Prof.Faarax ay isaga waa Sul. Ibraahime macalimiin u ahaayeen ( taasina lagu tilmaami karo nin had iyo jeer uu Prof. Faarax ku hamiyi jiray inay aqoontu waxtar yeelato dadkana ay wada gaadho).

    Gudoomiyaha Waxbarashada G/Awdal Prof.Daahir Maxamuud Xadi ayaa isaguna ku sifeeyey Prof.Faarax inuu ahaa nin cadaalad badan oo musuq maasuqa iyo laalaabadka aan midna kula dhaqmi jirin dadka uu la shaqaysto waxuuna sheegay in Prof.Faarax ahaa hormuudkii ugu horeeyey ee Kulliyada Waxbarashada ee Jaamacada Camuud yeelato, Jaamacada camuud Hagaajinteeda iyo horumarka maanta ay ku socotana ragii dhidibada u taagay ayuu ka mid ahaa lamana ilaawi karo nidaamkii uu ka soo sameeyey Jaamacada Camuud.

    Mahdi Ibraahim X.Khayre ayaa isaguna sheegay in Prof.Faarax inuu malcaamadii iyo dugsigii hooseba uu ku dhamaystay degmada Saylac kuna bar baaray , waxaana uu ku tilmaamay shakhsiyad u hiilin jiray Caruurta iyo Dhalinyarada in waxbarashadooda laga shaqeeyo.

    INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

    lughaya

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: