SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Go’aanka Gudida Dhedhexaadintu Ka Soo Saartay Khilaafka Cee-Bardaale Waa Mid Taariikhda Somaliland Meel Madow ka Gali Doona!

    Posted by Sawnews.tk on June 10, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenSomaliland waa beelo isku yimid, haday beeluhu isixtiraami waayaan oo is ictiraafi waayaan oo beelwalba beesha kale ixtiraami waydo sida, xuduudahooda, xuquuqdooda waligeen helimayno ictiraaf caalami ah. Somaliland maanta ilaah ma abuurin ee waligayd way jiraysay  reer walba ilaah meelbuu ku abuuray oo waa lakala ogyahay oo waa la yaqaanaa. 

    Maanta rag guurti isku sheegaya oo isku wada reer ah ayaa taariikh madow oo mahadha ah ilaah naguma keenee bilaabay waxay iyidhaahdeen xukun ayaan ridnay waxay yidhaahdeen dulmi ayaan samaynay waxay yidhaahdeen waan eexanay, afartan kun oo qof oo ilaah ku beeray degmada ceel bardaale oo dambaskoodii dugsanaaya yey ku xukumeen barakac iyo naanow.

    Ilaah magiciisa waxa la yidhaahdaa. Alcadli, ama Cadaalad,    ilaah ayay ka horyimaadeen oo shaydaanbay u hiiliyeen. Adeer cadaaladaada caantaynkaa ah ilaah kaa aqbali maayo beelaha kale ee walaalaha ah ee  S.land kuwada noolina  kaa  aqbali maayaan. ana kaa aqbali maayo.

    Marxuunkii Ina Cigaal alaha u naxariistee wuxu yidhi Somaliland waa beelo isku yimid waxa kala kaxayn kara qori aakee 47 oo qish yidhaahda.” Markaa ragan isku wada qolada ah oo saleebaan madaxda u yahay maanta geedkii xumaantay beereen, shaqadii  loo igmaday way garab mareen oo qoribay cabeeyeen in oo ictiraaf baa qarka inoo saarnaa markaa ma beer yar oo dan shakhsiya ah ayaan wax alla waxaan ku soo tabcaynay u baabi’inaa?

    Su’aalahan soo socda waxaan waydiinayaa ninkani Saleebaan Gaal ee kabriidka shidmaaya inagu daaray.

    1. Shaqada guurtidu waa maxay? Ma Maxkamad baa? waliba ma ta dhulkaa?

    2. shaqada maxkamadu waa maxay?

    3. mudacigii ina raage qaate ee ku dacwiyayay dulmiga ee leh beerta intaa le’eg aabahay iyo ina siyaad bare ayaa ku shiraaka ahaa wali ma u yeedheen oo su’aalo ma waydiiseen? waa maya .

    4. waxgaradkii salaadiintii garxajis ee soo gurmaday ee bil ku dhan joogay si ay u bakhtiiyaan dabka aad shiday ooy u nabadeeyaan soow kaagama yaacin markay ku afgaran waayeen.

    5. ma akhrideen labada nuqul ee dacwada ee labada beelood ku kala dacwiyeen? ee midna xaqa iyo dambaskiisii soo bandhigay maqal iyo muuqaal. Kan kalena uu soo ban dhigay dacwad cagafyadii, baabuurtii, wiishashkii, riigaga mashruuca oo xoolihii umada soomaaliyeed lahayd ee ina siyaad bare uu kula shiraakoobay ina raaga qaate.

    6. ma akhrideen magacda cusub ee lagu carabeeyay dhulkii beesha reer nuur ilaah ku uumay ee aabayaashood ka dhaxleen ee loo bixiyay magacdan.

    a) nuuriye b) kawnayn c) qawska d) madad iyo Jiilaani.

    halkaa miyaanay ku cadayn dhulboob iyo magac tiris iyo dhaqan boob dhulku madhul carbeedbaa?

    Miyaanad arkayn inay siyaasadii falastiin iyo israa’iil ina soo gashay.

    Adeer saleebaan gaal waa lawada ogyahay inaad xaqii umadan iyo dhulkoodiiba  inaad aad foodka soo socda aad ku heshid oo dantaada shakhsiga ah ee dayiqa ah aad umadan reer nuur xaqooda aad ku lumisid oo ah anna dhulka ayaan kuu xukumi adna waad ii footayn doorashada madaxwaynaha ee soo socota.

    Adeer hadaan nahay reer galbeedka dhulku aad buu noogu yaryahay ee hadaad doonaysid inaad foodka heshid dhulka ilaahay igu uumay aniga  bilaash laygaga qaadi maayo ee mid kale uga wareegoo banankaa saraareed ee wada bannaan u rar ina raage si uu halkaa uu beero xumaan ah uga samaysto oo magacyo carbeed ama yahuudeed ula baxo.

    Waxaan maqaalkayga kusoo khatimaayaa magac gaal baad wadataaye dad islaama oo ilaahooda garanaaya oo akhiro garanaaya oo cadaaladu inay ilaahay tahay garanaaya oo garanaaya wada dhalashada iyo walaalnimada dadka somaliland. oo ictiraafku inuu soo dhaw yahay garanaaya kuwaa xilka noogu wareegi si ay cadaalada u qaadaan ooy nooga bakhtiiyaan dabka aad shiday hadii kale waxaa bilaabmaysa dildilaacii Somaliland adigana Saleebaan gaaloow waad la saqiiri.

    Allaa mahad leh

    Qore: Oday Saleebaan Maasheeye Iidle.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: