SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga Udub oo xaflada soo dhawayn ah u sameeyay xubno ku soo biiray oo ka tirsanaan jiray Urursiya

    Posted by Sawnews.tk on June 9, 2009

    Hargaysa (Sawnews)- Xisbiga talada Haya ee UDUB, ayaa maanta xafalada Balaadhan oo soo dhaweyn ah u samayay taageerayaal hor leh oo ku soo biiray xisbiga UDUB oo uu hogaaminayey Maxamed Cabdi Daa’uud, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii aasaasay urur Siyaasadeedkii Qaran oo sheegay inuu ku biiray Xisbiga UDUB.

    Xafladan oo ahayd si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lagu qabtay xarunta xisbigaas ku leeyahay Magalada Hargeysa ayaa sidoo kale waxa lagu soo dhawaynayay taageerayaal sheegay in ay ka soo baxeen xisbiga Kulmiye.  

     

     

     

    Xaflada soo dhawynta ah ayaa waxa ka soo qayb galay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax. Xildhibaano ka tirsan Wakiilada iyo golaha Deegaanka iyo Masuuliiyin kale oo ka tirsan xisbigaas.

    Ugu horeyn waxa Xafladaas ka hadlay Maxamed Cabdi Daa’uud, oo hogaaminayey kooxdaas ku soo biirtay xisbiga UDUB, waxaanu sheegay inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii Urursiyaasadeeedkii Qaran ee Xukuumada mamnuucday waxaanu hadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaan ka tirsanaan jiray Ururkii Qaran, imikana waxaan ka mid ahay Xisbiga UDUB, Ururkaasi waxaanu ku doonaynay in lagu furo Axsaabta badan oo dimuquradiyada aan dhinacyada laga soo xidhin oo bahashada xor laga dhigo, markaa waxa dhacday in Somaliland oo dhami naga hor timaado, oo Saddexdii Xisbi Qaran-na naga hor yimaadeen.”  

     

     

    Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka hadlaaya in Ururkoodii la biliqaystay, waxa uu yidhi. “Ururkii aanu ka tirsanayn waa la biliqaystay oo sidii Jarmalka ayaa ka na kala goystay Warso iyo Nato,   markaa Axsaabtaydii aanu hore ugu wada jirnay Ururkii Qaran, inkasta oo aanu ahayn niman  u  ololaynaaya Dimuquraadiyada, oo aan ahayn sidii dadku moodayay Xisbi midaysan oo wada socda, hadii Axsaabtaydii kale ay ku biireen KULMIYE waa ugu hambalyaynayaa. Laakiin waxaan leeyahay Jarmalkii la qayb-saday hadii Warso qaadatay aniga Naato ayaa I qaadatay.

    Mar uu sifaynayay xisbiga UDUB, waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB waa Xisbiga kaliya ee magaciisa ay ka muuqato erayga dimuquraadi, waayo waxa uu ka kooban yahay Ururka Dimuquraadiga Umada Bahowday.  Xisbiyada kale eraygaasi kama muuqdo, waxaanan jecelahay in Xisbiga UDUB uu mar uun u furi doono xoriyadeeda shaqsiga ah, waxa halkan I keenay waa mam da’a, raguna wuu kula duwan yahay fikirka, waxa ila noqon wayday saddexdii Nin ee shalay tartamay, labadii Nin ee laga badiyay inay hadana yidhaahdaan way ikan, taas ayaa ii cuntami wayday.”  

     

     

    Dhinaca Kale, Sh. Xasan Jaamac Muxumed, oo ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in 18-kii sanadood ee ay Somaliland madax-banaanideeda dib ula soo noqotay uu ahaa mucaarid, hase ahaatee xiligan uu go’aansaday inuu ku soo biiro xisbiga UDUB.

    Sh. Xasan Jaamac wuxuu sheegay in xisbigii uu ka soo baxay uu garan doono kaalintii uu kaga jiray isla markaana xisbiga UDUB ee uu ku soo biirayna uu tallo iyo taageeraba ku soo kordhin doono, waxaanu masuuliyiinta xisbigan uu ku biiray uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen. Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in xisbigiisa iyo taageereyaashooduba ay soo dhawaynayaan xubnahan cusub ee ku soo biiray. Xoghayuhu wuxuu sheegay in siyaasiyiintan ku soo biiray xisbigii ay ka soo baxeen uu wax weyn u noqonayo isla markaana ay wax weyn ku soo kordhinayaan taageerada xisbiga UDUB. Md. Jaamac Yaasiin Faarax wuxuu ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysaa ay si nabad-gelyo ah oo xor ah ay u qabsoomi lahayd, waxaanu yidhi “Waxaanu ogol nahay in xisbiyadu qaranku ay si sinaan leh u tartamaan, ummadda Somaliland ayaa na kala dheeraysiin doonta, waxaanan rajaynayaa inaanu mar kale ku guulaysanayno. “Ninka maanta UDUB hore u joogay iyo ka imika ku soo biiraa waa isku xuquuq oo waxba isma dheera, Anaguna waxaanu tix-gelin weyn idinku siin doonaa kartidiina.

     

    Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa lagana soo doortay Gobolka Hargeysa oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo xubnahan cusub, waxaanu tilmaamay in xisbigii KULMIYE iyo Qaran ee ay ka soo baxeen ay guul darro culus ku yihiin.” Ugu dambayntii waxa halkaas ka hadlay xildhibaan Xasan Xaydh oo ka tirsan golaha Deegaanka, waxaanu mahad naq u jeediyay xubnaha ku soo biiray Xisbiga UDUB

     

     

      

     

    Xigasho Oodweynenews.

     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: