SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Munaasabd Lagu Xusay Marxuum Aadan Isaaq oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Boorama.

    Posted by Sawnews.tk on June 8, 2009

    Boorama (Sawnews) – Munaasabad lagu xusayey labaatan guuradii ka soo wareegtay Geeridii Marxuum Aadan Isaaq Axamad, laguna tiriyo aabaha waxbarashada ee G/Awdal ayaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee loogu magacdaray marxuumkaasi.

    Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen gudoomiyaha waxbarashada G/Awdal, Daahir Maxamuud Xaddi, guddoomiye ku-xigeenka waxbarashada Cabdi Saleemaan, Maareeyaha shabakadda wararka ee Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh, masuulyiinta laamaha dawladda qaarkood, ardayda iyo macallimiinta dugsida Aadan Isaaq iyo martisharaf kale ayaa waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha waxbarashada G/Awdal Daahir Maxmuud Xaddi, isagoo guddoomiyuhu sheegay in marxuum Aadan Isaaq Axamed, ahaana wasiirkii waxabarshada dawladdii lixdankii ee soomaaliya uu taariikh dheer ku leeyahay bulshada Reer Awdal iyo guud ahaanba  goboladii la isku odhan jiray waoqooyiga Soomaaliya, Wakhtigaas oo uu tobannaan dugsi oo kala duwan ka dhisay gobolka, gaar ahaanna  Degaanka Boorama, taas oo uu ku mutaystay inuu Aadan Isaaq kasbado quluubta iyo codadka dadweynaha ku nool gobolka, laba jeerna lagasooa doortay intii anay xukuumaddii Afweyne xukunka afgembi ku qabsan 1969kii.

    Daahir Maxamuud Xaddi ayaa sidoo kale wax ka taataabtay taaiikh nolleedkii Aadan Isaaq,  sidii uu wax kusoobartay oo ahayd mid uu iskii isku baray, kuna gaadhay meeqaamka maanta lagu xusayo labaatan guuradii ka soo waareegtay geridii Aadan Isaaq.

    Munaasabaddan maanta ayaa sidoo kale wax ka hadlay dad isugu jiray saraakiisha laamaha dawlada qaarkood, kuwaas oo ka sheekeeyey sidii Marxuum Aadan Isaaq uga bixin jiray lacagtii la odhan jiray school fee’ga, sidii uu had iyo jeer ardayda dhaqaalahoodu liito ugu fudeyn jiray waxbaraashadooda iyo sidii cid kasta oo Waxbarasho ku fikiraysa uu siin jiray fursad, isagoo Wakhtigaa tobannana dhallinyaro ah oo maanta ka mid ah kuwa dalka xukuma oo uu ka mid  yahay  Daahir Rayaale fursadihiii uu siiyey kaga faa’iideysteen.

    Waxa kale oo halkaasi lagasoo jeediyey gabayadii iyo suugaantii lagu ammanayey marxuum Aadan  wakhtigii uu ku jiray ololayaashii siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhici jiray.

    Dugsiga sare ee Aadan Isaaq, kana mid ah dugsiyadii ka hadhay gumaysigii ingiriiska, ayaa haatan ah dugsi ay wax ku bartaan dhallinyaro gabdho iyo ragba isugu jira oo  halkaa ku qaata laga bilaabo waxbarashada hoose ilaa  ilaa dudsiga sare.

    Maxamed Cumar – Hyena

     Boorama, Somaliland

    Email: moshimu002@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: