SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Munaasibadda Lagu Xidhay Sanad Dugsiyeedka Waxbarashada Dugsiyada Al-Aqsa oo Shalay Lagu Qabtay Boorama

    Posted by Sawnews.tk on June 7, 2009

    dugsiga-al-aqsa-small

     Boorama (Harowo) – Xaflad lagusoo xaidhayey sannaddugsiyeedka waxbarashada ee dugsiyada Al Aqsa ee G/awdal, ayaa manta lagau qabtay xarunta dugsiyadaasi ee magaaladan Boorama. Munaasabaddan oo ay ka soo qaybgaleen Masuulyiinta wasaaradda waxbarasha G/awdal, masuulyiinta Dugsiyada Al aqsa, macallimiinta, ardayda, guddiyada waalidiinta iyo martisharaf kale ayaa ugu horren waxa halkaasi ka hadlay maamulaha Guud ee dusgsiyada Al aqsa ee G/awdal Axmed C/laahi Tallan. 
    Isagoo maamulaha Guud uu ka warbixiyey xaaladihii kala duwaanaa ee dusgiyadaasi soo mareen iyo heerka ay manta taaganyihiin, isagoo maamulha Guud tilmaamay in dugsiyada al aqsa ay ahaayeen kuwa la kawsaday goonisutaaggi soomaaliland, lana aasasay 1992kii, wakhtigaasoo anay dalka ka jirin waxbarasho  nidaamsan dadkuna ku kala maqnaayeen dagaaladii sokeeye.

    Axmed C/Laahi Tallan ayaa sidoo kale waa uu ka hadlay baahiyaha yaalla dugsigaasi wakhtigan iyo horumarka dhinaca waxbarashad ee dugsigaasi gaadfhsiiyey boqollaal dhallinyaro ah oo isugu jira kuwa dalka jooga iyo kuwa ka maqanba.

    Dhinaca kale Maamulaha Guud ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday baahida dhinaca qalabka iyo agabka waxbarashada ee haysta dugsiyadaasi iyo sida ay hoos ugu dhacday taakkuleyntii uu debadda ka heli jiray ,waxana uu xusay in labaatan sano kudhawaad  dugsiyadaasi uu haatan qalabkoodii duugoobay, loona baahanyahay in xukuumadda iyo shacbiguba wax kala qabtaan masulyiinta dugsigaasi sidii loo beddeli lahaa loona heli lahaa qalab cusub oo ay ardaydu wax ku barato .

    Sidooa kale aya maamulaha Guud xusay ,in dusgiyada al aqsa  oo ay wax ka bartaan ardayda ugu badan ee gabdhaha ah  loo baahanyahay in loo sameeyo dugsi sare oo gab dhaha u gaar ah .


    Sh. Xasan Daheeye,kana mid ah masuulyiinta ururka Awdal Charity ee gacanta ku haysa Dugsiyadaasi ayaa sidoo kale waxa uu boqoolaalkii arday ee munaasabaddaasi kazoo qaybgashay ku guubaabiyey inay iska illoobaan waxa sheekhu ku tilmaamay dhulka gaalada ee barafka iyo khaamrigu yihiin kuwa martida loo yahay ,dalkoodana jeclaadaan.

    Sh. Xasan Daheeye ayaa sidooa kale codkiisa ku biiriyey maamulaha Guud ee sddugsiyada al aqsa isagoao sheegay in  gaalada Hay’adaha  caal;amka xukunta iska diideen inay caawiyaan  dugsiga al aqsa oo lagu barto diinta quraanka, gabdhaha ardayda ahaina xijaabku labiska u yahay, waxana uu dadweynaha gobolka, waalidiinta iyo dawladdaba ka codsaday inay wax ka qabtaan qalabka dugsiyadaasi ee duugoobay ,ubadkoodana ugu deeqaan qalab cusub oo anay dhibaato ka dareemin inta ay wax baranayaan.

    Xaaji Jaamac Qumane kuna hadlayey magaca waalidiinta ardayda dugsiyadaasi ayaa isagu  u mahadceliyey macallimiinta iyo maamulka dugsiyada al aqsa, isagoo ku tilmaamay kuwa aqoon iyo akhlaaq wanaag isugu daray ardayda ay wwax baraan sidaa darteedna loo baahanyahay inay kor usii qaadaan  waxbarashada ubadkooda.

    Sidooa kale ayaa Xaaji Jaamac Qumane  macallimiinta iyo ardayda iyo masuulyiinta dugsigaasiba  u sheegay in ka waalid ahaan anay waxba ka hagran doonin  wax kastoo wax loogu dhigayo ama lagu barayo ubadkooda.

    Ugu dambayntiina waxa halkaasi abaalmarinno lagu guddoonsiiyey ardaydii  kaalinta hore ka gashay waxbarashad dugsiyada dhexe iyo hoose ee dugsiyada al aqsa .

    Dugsiyada Al aqsa ,ayaa lagu tiriyaa I inuu yahay ddugsiyada ay ku jraan ardayda ugu badan ee G/awdal, lagu qiyaaso in ka badan 3100 arday ,oo 1310 ay yihiin gabdho, waxbarashdiisuna kala tahay hoose ,dhexe iyo tan sare.

     

    dugsiga-al-aqsa-2

    dugsiga-al-aqsa-3

    dugsiga-al-aqsa-6

    Maxamed Cumar – Hyena

    One Response to “Munaasibadda Lagu Xidhay Sanad Dugsiyeedka Waxbarashada Dugsiyada Al-Aqsa oo Shalay Lagu Qabtay Boorama”

    1. Sawnews.tk said

      hi

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: