SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Ku-xigeenka S/Land Oo kulan La Yeeshay Madaxda Xisbiyadda Mucaaridka

    Posted by Sawnews.tk on June 7, 2009

    mudane-axmed-yaasiin-small

    Hargeysa (Sawnews/Harwo) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta kulan xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Madaxda Xisbiyada UCID iyo KULMIYE. Kulankaas oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin waxay labada dhinac kaga wada hadleen arimaha doorashada iyo sidii loo dar dar galin lahaa. Madaxweyne ku-xigeenka oo dhinaca xukuumada uu kulankaa ku wehelinayay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Md. Cali Maxamed Warancade, waxa dhinaca xisbiyada u kala matalayay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye ku-xigeenkiisa Aadan Mirre Waqaf, Xisbiga KULMIYE waxa isna uga qayb galay Gudoomiye ku-xigeenka koowaad Muuse Biixi Cabdi, iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad, C/raxmaan C/qaadir Maxamed. 

    Hadaba markii kulankaasi dhamaaday oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin uu la hadlay warbaahinta dawladu maamusho waxa uu sheegay in ujeedada kulankani ahaa, sidii wada jir iyo isu duubni sadexda xisbi uga shaqan lahaayeen qabsoomida doorashada iyo in ay wakhtigii loo cayimay ku dhacdo.

    Md. Yaasiin waxa uu sheegay in kulankan dhamaan wixii la iskula soo qaaday la isku af-gartay, loona balamay in la sii wado kulamada oo la joogteeyo, waxa uu tilmaamay in maalinta Isniinta ay ku balameen in kulan kale la isugu yimaado.

    Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu ka dhawaajiyay in khilaaf iyo wax la isku qabtaa iman, karo balse mar walba lagaga gudbo tashi iyo wada jir, sidoo kale waxa uu xusay in khilaaf soo dhex gali karo masuuliyiinta Xisbiga UDUB iyo Xisbiyada kale, lana kala caban karo.

    Si kastaba Ha ahaatee Md. Yaasiin waxa uu cadeeyay in kulamada iyo wada tashigu yihiin daruuri maadama oo doorashadu cida ay ka dhaxaysaa tahay sadexda xisbina loo baahan yahay in wada jir looga shaqeeyo, sidii ay u taabo gali lahayd.

    Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlay kulanka dhex maray xukuumada iyo Xisbiyada mucaaridka waxa uu sheegay inay xukuumada ku booriyeen in inta bishan lagu jiro ay bixiso oo diyaar garayso 25% kaga soo hagaagaya doorashada iyo sidii aanay dib mar danbe ugu dhici lahayn, si aan is qab qabsi danbe u iman.

    Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaridka ah KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna wax laga waydiiyay kulankan Xukuumada iyo Axsaabta Mucaaridka ayaa sheegay in lagaga wada hadlay danta qaranka iyo doorashada madaxtooyada ee bisha septembar dalka ka qabsoomaysa sidii ay wakhtigii loogu tala galay ugu dhici lahayd.

    Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee xukuumada iyo xisbiyada mucaaridku yeeshaan tan iyo bishii may, waxaana sida dhamaan madaxdii labada dhinac ee ka qayb galay sheegeen uu ku dhamaaday is af-garad iyo jawi wanaagsan, iyadoo loona balamay in kulan danbe la isugu yimaado isniinta soo socota..

     

    mudane-axmed-yaasiin1

    Source Harowo

    One Response to “Madaxweyne Ku-xigeenka S/Land Oo kulan La Yeeshay Madaxda Xisbiyadda Mucaaridka”

    1. Sawnews.tk said

      ku soo gudbi fikir caafimaad qaba halkan
      kariimsheekh@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: