SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • MASAAJIDKA ABUU HUREYRA EE KU YAALA MAGAALADA BOORAMA OO NOQDAY MASJIDKII UGU HOREEYEY EE DHAGOLAYAASHA LOOGU TARJUMO KHUDBADA JIMCAHA

    Posted by Sawnews.tk on June 6, 2009

    SignLanguage298Borama(Sawnews) Masaajidka Abu Hureyra oo ah masaajidka ugu weyn magaalada Boorama ayaa waxa uu noqday masaajidkii ugu horeeyey ee khudbada jimcaha loogu tarjumo dadka dhagoolayaasha ah, iyada oo ay markii hore ka tagooraayeen dadka kale oo ay muuqaalka guud uun daawan jireen ayaa waxaa u suura gashay baryahan danbe in masaajidkaas loogu tarjumo khudbada jimcaha ah oo loogu sheego farta suul dhabaalaynta ee ay fahmayaan dadkaasi,waxaana arintan la sameeyaa inta ka horaysa khudbada carabiga ah aanay bilaaban oo shekhu ku jeediyo afsoomaali khudabadu waxa ay ka hadlayso.
    Sheekh Cali Sh. Ibraahim Nuur oo ah khadiibka iyo imaamka masaajidka ayaa warbaahinta u sheegay in ay arintan fikradeeda lahayd shirkada SHABA in warbaahinta lagu faafiyo barnaamijankan oo markii ay booqdeen dugsiga dhagoolayaasha ay fahmeen baahida ay qabaan dadkaasi in ay ka mid tahay in loo loogu sheego waxa ay khudbadu ka hadlayso afkooda.
    Waxaa marka khadiibku u fuulo minbarka is barbar taaga Ibraahim X. Nuur oo ka mid ah macalimiinta dugsiga dhagoolayaasha ka dibna waa uu tarjumaa waxa uu lee yahay sheekhu, shalay markii aan halkaa boqanay waxaa khudaba Akhriyaayey sheekh Carab oo ka mid ah culimada Boorama waxaanu aad uga hadlay fadlig ay leedahay maalinka jimcuhu.
    Markii ay dhamaatay khudbadu waxaan waydiinay su’aalo sida y u arkaan arinkaas qaar ka mid ah dhagoolayaashi ku soo tugaday waxa ay sheegeen in ay hada dadka uun la mid yihiin oo wax kasta oo sheekhu sheego ay fahmayaan waxaanay tan maantu ku saabbanyd ayey yidhaahdeen fadliga maalinka jimcaha ah.
    Waxaa kale oo la soo jeediyey maado ay jiraan gabdho dhagoolayaal ah in iyaga halkooda loogu sheego khudabadu wax ay ka hadlayso ama wacdiga la jeedinayaba si ay taasi ku suurta gasha waa in la adeegdsado shaashad iyo kaameerad u gudbisa qaybta dumarka ee ay ku dhax tugayanyaan.
    Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: