SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo Soo Dhawayn Aan oo Kala Hadhin Shacbiga Reer Burco Ku Qaabileen. Burco

    Posted by Sawnews.tk on June 4, 2009

    rayaale-40 BURCO(SAWNEWS) – Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wafdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo socdaal ay ugu kuur galayaan xaaladda dalka ku maraya gobolada dalka qaarkood, ayaa maanta gaadhay Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo si wayn oo aan hore loo arag ay shacbiga reer Togdheer ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Madaxweynaha Somaliland oo maanta ka ambabaxay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo uu mudo ku sugnaa waxa isaga iyo wafdigiisa meel magaalada Burco u jirta 40km kaga hor yimiday Masuuliyiinta, duqayda, cuqaasha iyo waxgaradka reer Burco, waxaana laga bilaabo meel magaalada Burco aad uga fog safaf u taagnaa dadweynaha reer Burco, kuwaas oo si gaar ah ishu u qabanaysay, Ardayda dugsiyada, ururada haweenka oo ku labisan dirayskoodi iyo dadweynaha oo safaf dhadheer oo tobanaan km, magaalada ka baxsan ugu soo baxay qaabilaada iyo soo dhawaynta madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa.

    Madaxweynaha Somaliland Markii uu gaadhay Magaalada Burco waxa uu kulan aad u balaadhan xarunta maamulka gobolka kula yeeshay duqayda iyo masuuliyiinta gobolka, sidoo kale waxaa halkaa salaan ugu yimiday boqolaal waxgaradka iyo duqayda gobolka ah, ka dibna waxa uu madaxweynuhu u soo baxay boqolaal dad ah oo dibada xarunta maamulka gobolka Tubnaa kuwaas oo uu salaamay, isla xarunta maamulka Gobolka waxa uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland. Madaxweynaha oo ay waftiga ku wehliyaan Wasiiradda Wasaaradaha, Waxbarashada Xasan Gadhweyne, Caafimaadka Cabdi Haybe, Hawlaha Guud Siciid Sulub, Wasiiru –Dawlayaasha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Macdanta iyo Biyaha Xasan Macalin iyo Haybe Dheere, Wasiir-Xigeenka Wasaarada Ganacsiga, Qorshayta, Caafimaadka, waxa uu Madaxweynuhu sheegay inuu joogi doono gobolka Togdheer mudo maalmo ah, qayb kasta oo shacbiga ka mid ahna uu la kulmi doono wixii tabasho, talo iyo tusaale ay hayaana ka dhegaysan doono. Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu carabka ku dhuftay in gobolka Togdheer laga badali doono lacagta Giinbaarta loo yaqaan ee laga isticmaalo gobolkaas ” Hada waxaanu culayska saaraynaa in lacagta idinka bedelo, Bahasha markii hore ayaad gosha gashateen” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabayay tabashooyinka gobolka Togdheer. Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo muddo todobaada booqasho shaqo ku joogay Gobalka Saaxil waxa uu magaaladda Burco gaadheen isaga iyo wafdigiisu 10-kii saac ee Subaxnimo waxaana Tuulooyinka Qoyta iyo Karasharka wadada hareeraheeda taxnaa dadkii soo dhawaynayay oo safnaa ilaa Guriga martida ee la dejiyey Madaxweynaha. Sida wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhaya magaalada Burco tibaaxayaana waxa uu Madaxweynuhu galabta kulan xog-warana la yeeshay Madaxda Laamaha Dawlada, kuwaas oo mid mid uga warbixiyay hawl qabadka xafiisyada ay ka masuulka yihiin, waxaana kulankaasi ahaa sida qorshaha safarka madaxweynuhu yahay in la ogaado baahiyaha iyo waxqabadka Hay’addaha Dawladda ee Gobolada dalka.

    Source Harowo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: