SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalda Burco

    Posted by Sawnews.tk on June 3, 2009

    P62200940101Burco(Sawnews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa qaddar daqiiqado ah ka hor si heer sare ah loogu soo dhoweeyey caasimadda gobolka Togdheer ee Burco.
    Weftida madaxweynaha oo booqasho rasmi ahi uga bilaabatay gobolka Togdheer maanta,ayaa shacabka reer Burco si hagar la,aan ah oon loo kala hadhin caleemo qoyan ugu soo dhoweeyeen madaxweynehooda iyo weftigiisa. Weftiga ayaa hadda loo gudbiyey aqalka nasashada ee gobolka, dadweynaha reer Burco oo aan u kala hadhin soo dhawaynta madaxweynaha ayaa loo soo dhaweeyay soo dhawaynytii ugu qaalisanayd ee madaxweynaha loogu soo dhaweeyo gobol ama magaalo ka mid ah magaalooyinka Somaliland

    Waftida oo saacadaha soo socda howshoodii si rasmi ah u gudo geli doona, waxa ay isla ,maantaba la kulmi doonaa laamaha dawlada iyo hay’adaha ka hawl gala magaalada iyo gobolka iyada oo dadweynaha u ay tubnaayeen ilaa duleedka magaalada Burco iyo gaar ahaan wadada uu madaxweynahu uu ka soo galaayay ayaa ilaa hada waxa ay dadweynaha reer Burco ku xoonsanyihiin iyaga oo koox koox u socda badhtamaha magaalada iyaga oo aad ugu faraxsan imaatinka uu u yimid madaxweynahoodu.

    Wixii warar dheeraad ah ee soo kordha kala soco, ishana ku hay shabakadda Sawnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: