SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ismaaciil Buubaa oo sheegay in ay imanyaan Somaliland,Isga iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Soomaliya

    Posted by Sawnews.tk on June 3, 2009

    01bc78a31f59e938Nairobi (SAWNEWS)-Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Xildhibaannada Dawladda Soomaaliya, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheegay in isaga iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ka mid ah Xildhibaannada Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya, ay dhawaan imanayaan oo ay ku soo fool leeyihiin Somaliland. Waxaanu ka war bixiyay ujeedada Socdaalkooda iyo magacyada qaar ka mid ah Weftiga uu hoggaaminayo. Ismaaciil Hurre Buubaa oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka xalay Waraysi kula yeeshay, waxa uu sheegay in Weftiga Xildhibaannada ah ee uu ka midka yahay, isla markaana Somaliland imanayaa ay ka kooban yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ku jira ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Puntland. Waxaanu ku dheeraaday ujeedada socdaalkoodan, isaga oo sheegay in ay xidhiidh la soo sameeyeen Dawladda Somaliland, isla markaana hawlaha ay u socdaan ay ka mid tahay xallinta khilaafka Juquraafiyadeed ee Gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland iyo Puntland. Waraysigaas uu Wargeyska Ogaal la yeeshay Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan; Ogaal: Waxa nagu maqaalo ah in Adiga iyo Wefti aad hoggaaminaysaa imanaysaan Somaliland, arrintaa maxaa ka jira? Buubaa: Haa way jirtaa oo waan imanayaa, waxaananu jeclaan lahayn in aanu ku nimaadno habka ugu habboon. Waxa jirta Warqad aanu u qornay Ahmedou Ould-Abdallah (Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia) oo aannu kaga hadlayno arrinta Somaliland iyo Puntland, Anaga oo Lix Xildhibaan ah, saddex Somaliland ah iyo saddex Puntland ah. Ogaal: Waxa kale oo na soo gaadhay in Axadda aad imanaysaan Somaliland Adiga iyo Xildhibaano kale, arrintaasi ma jirtaa? Buubaa: Haa, waxa weeye Xildhibaannada ugu yaraan Aniga, Cabdalle X. Cali, Cali X. Maxmauud (Cali-Baashe) nin la yidhaahdo, Caydiid Cabdilaahi Ilko-xanaf iyo Nin Cali Ismaaciil Cabdi-giir la yidhaahdo. Sidaas ayaanu jecel nahay in aanu ku nimaadno. Laakiin waxaanu jeclaan lahayn oo aanu doonaynaa in aanu Caalamka ka dhaadhicin in loo soo jeesto dhinaca Somaliland, balse waxaan rejaynayaa in Maamulka Somaliland-na uu arrimaha wax debciyo oo Anaga oo wada socona aanu nimaadno. Wixii qaynuunka Somaliland odhanayo diyaar baanu u nahay in aanu marno, maba joogno hadda Xamar, mawqifkayagana waad arki doontaan. Ogaal: Markaa taa macnaheedu ma waxa weeye in mawqifkiinii is-bedelay oo aad hadda u ololaynaysaan sidii Caalamka aad ugu soo jeedin lahaydeen dhinaca Somaliland? Buubaa: Haa, waxaanu u ololaynaynaa in dhinaca Somaliland loo soo jeesto iyo in xagga Puntland loo soo jeesto. In la dhammeeyo dhibaatooyinka arrinta Sool iyo Sanaag la dhammeeyo oo si xoog ah arrintaa Siyaasadda Somaliland si firfircoon uga hawl gasho. Xagga Caalamkana waxaanu rabnaa, Somaliland iyo Puntland haddaan wax loo qaban oo aan Mashaariic ka dhicin, dadka Koonfur isku haystaa waxay dunida ku odhanayaan, kuwaaba (Somaliland & Puntland) waxba looma qabane, maxay dunidu naga doonayaan. Markaas Anaga waxay nala tahay iyada oo sideedabana hadday Hargeysa, Burco iyo dhinacan Puntland-ba camiran yihiin oo ay wada shaqaynayaan, dee dadka Soomaalida ahi Badda iskumay daadiyeen ee way u soo shaqo tegi lahaayeen, Caalamkana dhibaatada badan ee ka haysata dhinaca Budhcad-Badeedda iyo waxan may dhaceen. Markaa waxaanu aragnaa inay lagama-maarmaan tahay in dhinaca dadka Somaliland-na ay dan iyo manfacad u tahay, tusaale-na ay u tahay Soomaali oo dhan dejinta dhibta ka taagan Koonfurta iyo bartamaha waddankana door ka qaadan lahayd oo haddii dhinacaa (Somaliland & Puntland) la camiro, waddanku wuu iska wada degi lahaa. Ogaal: Dawladda wax xidhiidha ma la soo samayseen, goormaase laga yaabaa inaad Somaliland timaaddaan? Buubaa: Wey jiraan xidhiidho aan la soo sameeyay Masuuliyiinta (Somaliland) qaarkood, hase ahaatee, ma jecli arrintaa wax tafaasiil ah oo intaa ka badan aan ka sii bixiyo. Laakiinse, waxaan jeclaan lahaa inay suurtogal noqoto in aanu nimaadno, xaggan Laascaanood qudheeda waxaanu jecelnahay in aanu gaadhno, sababtoo ah waxa jira Caleemo-saar Garaad Ismaaciil. Markaa maaha in aanu meeshan uun fadhino ee waxaanu doonaynaa oo aanu jecel nahay in aanu ka qayb qaadano dib-u-dhiska waddanka oo dhan, khaasatan nin (Weftiga la socda) waliba dhinaca uu ka yimi. Qolada Puntland sida aanu u jecelnahay in Somaliland la dhiso, ayay iyaguna u jecel yihiin in Puntland la dhiso, waxaananu labadayaduba isku waafaqsanahay wixii dhibaatooyin ah ee jira in si nabad ah lagu xalliyo oo waddanku fur-furmo. Ogaal: Ilaa hadda dadka aad la xidhiidheen iyo Warqadda aad u qorteen Ahmedou Ould-Abdallah, maxaad ku sheegteen? Buubaa: Waxaanu ku sheegnay in marka hore aanu ka xunahay dhibta ka taagan ee haysata Dawladdii dhexe eek u-meel-gaadhka ah (Soomaaliya) iyo qoladan Xag-jirka ah ee laga ladi la’yahay. Waxaananu ku boorinay in Caalamku caawiyo dawladdaas, balse waxaanu ku nidhi, arrimaha halkaa ka socdaa waxa laga yaabaa in ay dhibaato weyn ka samayso waddanka oo dhan, aadna waanu uga welwelsanahay dhinaca Somaliland iyo dhinaca Puntland in qalalaasahaasi u tallaabo. Sidaas aawadeed, kolka horeba waxa loo baahan yahay Somaliland iyo Puntland inay arkaan dhibaatada ku soo socota oo ay ka gaashaantaan oo dhinaca nabadgelyada oo kale iska caawiyaan, dhinaca dhismaha iyo dib-u-dhiska Waddankana, gaar ahaan dhinaca bariga (Somaliland) oo aad mooddo in aan waxba laga qaban, wax laga qabto, dhinaca Sool iyo Sanaag-na la xalliyo. Waxa kale oo aanu doonaynaa in istiraatajiyad midaysan ay ku heshiiyaan Puntland iyo Somaliland, isla markaana ay ka shaqeeyaan in aanay dhibaatada dhinaca Koonfurta Soomaaliya joogtaa aanay iman iyo inay iyaga oo wada-jir ah wax ka qabtaan dhibaatadaa jirta, Caalamkuna uu u soo jeesto dhinaca Somaliland oo wax lala qabto oo wax lala dhiso. Taas ayaanu u aragnaa inay jawaab muhiim ah oo Caalamka ka imanaysa ay u noqonayso sidii loo soo af-jari lahaa dhibaatooyinkaas. Ogaal: Siyaasi ahaan, ma filaysaa in Dawladda Shariif Sh. Axmed ay ka samata-bixi doonto qalalaasaha Siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya ee lagula jiro? Buubaa: Wallaahi aad baanu uga welwelsanahay, waanad mooddaa, Waraaqda aanu Ould Abdallah (Ergayga Qaramada Midoobay) aanu u qornayna waxaanu ku nidhi, waxa aad mooddaa Xamar, koonfurta iyo bartamaha Waddankaba in Nimanka Xag-jirka ahi ay leeyihiin Gacanta sare, haddaan waddanka loo soo gurman-na ay suurtogal tahay in Waddanku gacanta u galo nimankaas. Ogaal: Arrinta Sool ee aad isla eegteen idinku ka Xildhibaanno ahaan, ma waxa jira xal aad haysaan oo aad ku dhexdhexaadinaysaan Somaliland iyo Puntland oo ay arrinta Sool ku dhammayn karayaan? Buubaa: Wallaahi Anagu wax allaala iyo wixii nalooga baahdo hadday tahay u-kala-dab-qaad, isku soo dhawayn, dhinacyada Madax-dhaqameedka, isu-soo-jiidista dhinacyada kala duwan ee Sool iyo Sanaag dhexdeeda iyo Somaliland inteeda kale iyo dhinaca Puntland. Waxa jira Urur la yidhaahdo Center for Humanitarian Dialogue oo qudheeda arrintaa aanu kala hadalnay oo aad u soo dhaweeyey sidii arrintaa loo maarayn lahaa ee laysugu soo dhawayn lahaa in aanu ka shaqayno diyaar baanu u nahay iyo in aanu ka caawino Maamullada Somaliland iyo ka Puntland-ba sidii qaybaha kala duwan ee Dunida ee wax ka qabta arrintaas aanu ugu soo xidhi lahayn ee aanu uga shaqayn lahayn. Laakiinse, waxa weeye in lagu baraarugo arrintaas oo xal la raadiyo ayaanu jecelnahay, sababtoo ah Dib-u-dhiska dalka ayay hor taagan tahay, dee dad badan baa ku marmarsoonaya khalkhalka halkaa (Soomaaliya) ka jira aawadeed baananu ugu tegi karayn Waddanka oo aananu waxba ka qaban karayn. Ogaal: Tiradiina guud ee Weftigan Somaliland imanaya waa imisa Xildhibaan? Buubaa: Wallaahi runtii Xildhibaano faro badan baa jeclaan lahaa inay yimaadaan hadday suurtogal tahay oo wax allaaliyo waxa Somaliland ka soo jeeda oo dhami nin aan jeclayn ma jirto in uu yimaaddo, laakiinse waanu ogsoonahay dhibaatooyinka jira iyo sida uu qaynuunku arrimahaas (ku-biirista TFG) uga soo horjeeday, waxaananu jecelnahay in arrimahaa la dabciyo. Kolka dambena Dawladda Somaliland ciddii ay aragto ee danaheeda ka hor imanaya ay ka joojin karto inay qayb ka noqon karaan Baarlamaanka, waanu ogsoonahay rabitaanka Siyaasadeed ee dadka Somaliland. laakiinse, waxaanu leenahay waar arrintu siday ku hagaagaysaa waxa weeye in Waddooyinkii Dibloomaasiyadda ee aad mooddo inay xidh-xidhmeen la fur-furo. Taasna waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qayb qaadano oo Somaliland wax allaale wixii laga qabanayo aanu sahlino. Ogaal: Markaa ma idinka oo rabitaanka Shacabka ku shaqaynaya ayaad doonaysaan in aad Dawladda Somaliland wax kala qabataan dhinaca Dibloomaasiyadda? Buubaa: Horta, sideedaba Anagu rabitaanka dadka ixtiraam 100% ah ayaanu u haynaa, rabitaanka dadku waxa ugu dambeeya ee arrini ku dhammaato weeyaan. Laakiinse, arrintii in loo maro waddooyinkii rabitaankaasi uu suurtogal ku noqon lahaa, dadkii ay wax ka wada dhaxeeyeen ee dhibaatadu ay haysatana wax loogu qaban lahaa. Waad ogsoon tihiin Ereteriya iyo Itoobiya sida arrintoodii ku dhammaatay, waxay ahayd iyada oo Ereteriya ka soo qayb qaadatay dhibaatooyinkii ka taagnaa Itoobiya ee Addis-Ababa xorraynteedii ay ka qayb qaateen, dabadeedna uu Baarlamaankii sidaa ku ogolaaday in laba waddan oo walaalo ah la wada noqoto. Laakiinse, waxa jira siyaabo ka duwan Aniga tayda mooyaane wax kale ma jiraan ee arrinta lagu waday. Balse, sidaan hore u sheegay rabitaanka dadka cidina kama hor iman karto. Source Wargayska Ogaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: