SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Taliska Ciidanka Amniga Oo Demiyey Xiisad Ka Dhalatay Maamulka Biyaha Magaalada Boon

    Posted by Sawnews.tk on June 2, 2009

    0705_tap Boorama, (Sawnews) – Maamulka biyaha ee magaalada Boon ee hoos timaadda maamulka gobolka uu dhawaan Madaxweyne Rayaale magacaabay ee Selel ayaa mar kale saldhigay kadib markii ay halkaas toddobaadkii hore qabsadeen kooxo dhallinyaro ah oo ka cadhaysan wareejinta Duqa magaaladaasi uu maamulka Biyaha Boon ku wareejiyey koox dhallinyaro ah oo isla degaankaas ah. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, wararka la xidhiidha gacan ku haynta maamulka Biyaha ee magaalada Boon, ayaa la sheegayaa in xubno isugu jira odayaasha degaankaas, maamulka magaaladaasi iyo taliyaha ciidanka amniga Gobolka Selel, C/raxmaan Colhaye kulan ay laba maalmood ka hor ku yeesheen magaaladaasi lagu qanciyey in dhallinyaradaasi ka dareeraan xarunta biyaha, isla markaana lagu soo celiyo guddi gaar ah oo si ku meel gaadh ah u sii wadda tan iyo inta loo samaynayo maamul madax bannaan oo ay yeeshaan biyaha magaaladaasi. Maaha markii ugu horreysay ee Maamulka Biyaha magaalada Boon ay soo waajahaan muranno ku saabsan gacan ku hayntooda, iyadoo dhawaana magaaladaas ay ka go’een kaydkii biyuhu, balse weli waxa jira dedaal la doonayo in muranka caynkan ah oo marmar keena xamaasad aakhirataanka laga samatabaxo, maamulka biyaha magaaladuna noqdo mid ka madax bannaan maamulka Golaha degaanka ee degmadaasi balse mar walba jidkaasi la kulmo carqalado kaga yimaadda qaybaha bulshada halkaas wada deggan.

    haatuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: