SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Awdal Maxaa U Qabsoomay , Maxaase ka Qabyaha ah ?

    Posted by Sawnews.tk on June 2, 2009

    ist2_6212280-orange-man-and-the-big-question“Hadey boogi kugu taal , Nin kale tiisu kaa dadane , Hadaad adigu tuur leedihiyo tootir iyo qoollo, Nin kale inaad toosisaa waa tu aan dhicine .”

    Marka aan ka guurno magacyada badan ee aanu u guurno midnimo , ayaa waxa lama huraan ah in aan kafada saarno labadan masalo ee kala odhanaya Maxaa Inoo qabsoomay ? Maxaase inaga qabya ah ? .Si aanu u helno maxsuulka miisaanka labadan qodob , qoraalkani waa mid aanu ku odorasi dooni xaalada dhabta ah ee Awdal hada ku sugantahay iyo halka ay mustaqbalka hiigsanayso.

    Ugu horayn waxaanu qeexi macnaha maamul. Marka la qeexo macnaha weedha “maamul”, inkasta oo ay weedhu macno badan tahay, tan ugu sahlan ayaa lagu ekeeyaa “…hannaan go’aan qaadasho…kaas oo leh tub lagu fuliyo go’aamada. ” Si kale haddii loo dhigo waa “…shuruuc, nidaam, iyo tasaruf raad ku yeesha hannaanka loo maareeyo awoodda … khaasatan marka la tixraaco ka qaybgalinta, iskaashiga, hufnaanta, u dabacsanaanta, iyo ka mas’uul ahaanshaha…daraja kasta oo maamul, ha ahaato mid tuuulo, degmo, gobol, ama dawlad dhexe, iyo xubin kasta oo bulshada ka mid ah” [1].
    Si haykal maamul wadaag ahi uu u dhismo, waxaa lama huraan ah in uu yeesho dabeecado dhawr ah, oo la’aantood aan lagu astayn karin maamul. Waxaa ugu mudan sinnaan, iskaashi, u nuglaan, ka qaybgalin, u hogaansan sharci, hufnaan iyo hawlkar, iyo oofin wacad.

    Wanaag iyo xumaanba, awdal waxaa ay tahay dhul nabdoon oo misaal u noqon karta gobollada kale ee Somaliland ee dhanka amniga, ammaanka, maamulka, iyo iskaashigaba. Ayaan darose, gaawihii intuba ay ku jireen ee bulshadu ay ku tiir iyo tacab beeshay ayaa afka ciida loo daray.

    Ma garaad li’ibay eersatay? Ma falfal xumaa keentay? Mise waa fayo gab maamul? Waxaan qabnaa in jawaabta laga dhex heli karo intaba. Mana aha mid qof, beel ama gobol eersatay, ee waxaa wanjalay tiro falal gurracan oo isbiirsaday. Akhriste sadarkaasi marka aad marayso waxa laga yaabaa inaad is waydiiso odaygu ma mucaarid buu noqday !! mise dawladii uu taageeri jiray buu ka ridoobey . Laakiin waxa hubaal ah in maqaalkani uu yahay mid mucaarid iyo muxaafidba ka madaxbanaan , oodihiisuna ay sudhan doonaan cidkasta oo shabaqa soo gasha.

    Marka laga tago xaga nabada , xasiloonida iyo maamulka dawladnimo ee aan kala simanahay dalka intiisa kale . Bal aanu ku horayno dhanka waxbarashada, marka aan soo qaadno waxbarasho markaaba waxa meel fog kaaga bildhaamaya kaaha iyo iftiinkta ka soo baxaya Jaamacadaha Amoud University Iyo Ello University , oo aan odhan karo sida dhabta ah waa horumar mugiisa iyo miisaankiisa leh , oo mudan ku dayasho . Taasina waxay burhaan cad u tahay Aqoontii iyo ilbixnamadii lagu xariiri jiray reer Awdal . Marka laga gudbo jaamacadaha waxa kalood ku il qabawsanaysaa dugsiyada dawliga iyo ahliga iskugu jira ee ay ku kalahayaan barbaarta iyo dhalinta reer awdal , iyagoo ku sumadan astaanta iyo labiska waxbarashada. Labadan qodob ee kookoobaan ayaa inagaga filan tusaalaha xaga waxbarashada waxaanan ka garan karnaa in ay wali reer awdal ku dhagan yihiin kaalintoodii koobaad ee ay kaga jireen dhinaca wax barashada bulshada soomaaliyeed.

    Mar labaad bal aynu yara qooraansino xaga biyaha . Biyuhu oo aynu ognahay mihiimada iyo faa idooyinka ay uleeyihiin dhamaan sanku neeflaha , ayaa waxa aan dareemi karnaa in horu mar wayn laga sameeyay gobolka awdal marka la is bar bar dhigo hada iyo waqtiyadii ka horeeyay .

    Marka aad joogtid boorama waxaad dareemi kartaa in dadwaynuhu xoogahaa ka neef qabawsadeen , biyihii booyadaha laga dhaamin jiray iyagoo ku qabay dhibaatooyin fara badan . Waxaan xasuustaa mar aan boorama joogay “waqtigii booyaduhu ay magaalada biyaha keeni jireen in ay dhici jirtay mararka qaar in aad salaada jimcaha uga habsaanto biyo la aan ama aad tagto salaada jimcaha adoon helin biyo aad ku maydhato ” , sobob ka timid booyadaha oo waqtigay rabaan biyaha keeni jiray , maadaama tiradooda iyo baaxada magaaladu ay aad ukala waynayd.

    Taasi badalkeeda hada marka aad boorama tagtid waxaad dareemaysaa in ay tahay meel biyaha ka hadon ah , maadaama guri walba oo magaalada ka tirsan ay ku jirto “baanbad ama qasabad ” ninba sida uu u yaqaan , oo aad habeen iyo maalin si qiyaas la aana aad u isticmaali karto , ku darsoo xaga qarashkana aad bay ukala fogyihiin biyihii booyaduhu keeni jireen iyo kuwa qasabadu. Arintaasina wax mahad gaara ku leh guud ahaan shacabka gaar ahaana shirkada “Shaba” oo mashruucan hirgalisay. Sidaasi darteed waxaan odhan karnaa xaga biyaha reer Awdal horumar ayay ka samayeen.

    DHaqaalaha !!!! Hadii aanu milicsano dhaqaalaha gobolka waxa aanu dareemi karnaa in ay tahay meeshani halKa lagu jabay !!! . Waxa aanan indhaha laga qarsan karin shaqo la aanta iyo bisaarada gees kasti ka hareeraysay gobolka. Waxa inoo muuqda in dhalinteenii ay badaha ku dhamaadeen iyagoo ka cararaya faqriga iyo shaqo la aanta isa soo taraysa ee gabolka ka jirta. Gobolka awdal ayaa wali aan wax horumar ah kasamayn xaga wadooyinka , waxaad dareemi kartaa riyada reer Awdal ee soo jiitamaysay gu yaal iyo sanado badan ee ku sahabsanayd xaga wadooyinka isku xidha magaalooyinka gobalka iyo dalka intiisa kale oo wali barkuma taal ah. Waxaad dareemi kartaa ciilka ka haysta dadwayanaha reer Boorama fidida ay fiday magaaladu iyo iyagoon helin wali basas ka shaqeeya magalaadad dhexdeeda. Intasi iyo in kabadan ayaa wali qabya ah oo aan lagaran karin goor laga bagsan laxawgooda.

    Mugdiga waayahani xambaarsanyahay, hamuunta inagu gaaxatayay iyo godol la’aanta maankeena, ayaa sababtay in ceeryaamo fuusho dhaqaalaheena , ladhka xumada boogahu soo kicinayaan ayaa wiiqay riyadeenii xaga dhaqaalaha , bulsho kasta waxa ay ku naalootaa wax dhulkeeda ka soo baxa, waxayna u carbisaa dadkeeda barashada mihiimada ay leedahay wax dhulkooda ku jira.

    Wakhtigan seeftu jarayso ayaa waxa ina dul heehaabaya humaag xambaarsan farxad, murugo, walaac, yidiidiilo iyo rajooyin. Garashadeena sabooshay iyo basaasta uu jahligu inagu keenay ayaa hadheeyey inaynu garawsano kaalinteeni iyo doorkeeni mustaqbalka. Dhanka kale waxa ina dhinac socda fursado dahabi ah oo abuuri kara inaynu ka guulaysano caqaqbadahan inagu meersan.

    Inaynu maskaxda furnaa waa laga maarmaan, tacliinta ayaa fure u ah in jiilkeenu keeni karo mustaqbal dahab ku qoran lagana baxo faqriga iyo gaajada , halka taariikhdii ina dhaaftay ay tahay mid ku qormaysa dhiig. Xaqiiqda dhabta ah iyo waaqiciga suuro galka ah oo aynu fahamno ayaa ah iniinta soo saaraysa aqoonta iyo xikmada, taasaa inagu dhalin karta inaynu ciida dihin ee carrigeena calaf ka soo saarno. Taas macnaheedu waa in aynu garwaaqsano in haddii aan jahliga laga bixin in aan baahida laga xorobeyn, waa inaynu garanaa inta baahi iyo sinaan daro jirto inaan cadaaladi jirayn, waa inaynu ogaano inta cadaalad daro jirto inaan nabad iyo xasilooni la helayn, marka xasilooni daro timaadona in mujtamacu dulinimo kaw u noqonayso, in la cuudiyaana ay cakirnaan doonto.

    Waan ogsoonahay inaynu dulinimadan jahligu keenay ee aynu eednay hor istaagayna horumarkeeni, taariikhda dalka, iyo tan dadkaba baalka madow inooga xardhay aynu ka bixi karno, ugana bixi karno qalinka oo aynu suntano.

    Guntii iyo gabagabadii !! asxaabtayda mustaqbalkay waxay tahay inaynu isu diyaarino beri waxa soo socdo, abuurnona jawi wax wada qabsi iyo isku tiirsi ku salaysan meeshana ka saarno nacaybka malaayiin, colaada, jahliga iyo cudurada ragaadiyey bulshadeena, sidii qabiilka qalin loogu badali lahaa waa mid iyana inaga ina sugaysa, isu sidashada qabiilkana ugu badali lahayn wax wada qabsi , tanina ay inooga baahan tahay wakhti, fakir, dadaal, iyo samir dheeraada. Waynu la soconaa in dhalinyarada iyo haweenku ay yihiin kuwa dib u dhisa dalkooda, unkana dib u kasbashada dhanka aqooneed, dhaqaale, fikradeed iyo dhanka bulshoba, waxaynuna u baahanahay inay meesha ka saarno wixii inakala qaybinaya isuguna nimaadno wixii ina midaynaya. Waxaan xasuusan karnaa in dhalinyaradii ay ka midka ahaayeen Jomo Kenyatta, Kwame Nkrumah, George Padmore iyo kuwo kaloo badani ay ahaayeen kuwii abuuray dhaqdhaqaaqii Pan Africanism, kuna midha dhalay in Africa ka madax banaanaato gumaysiga! Akhriste xaalku waa maqaar saar! Akhriste hadaba Muragadani maxay tahay isa soo taraysaa? Dhaqaalihii dalkeena maxaa geliyey hoosiis? Maankeeni miyuu gudhay? Akhriste maxaa dhacay maxaa rogan? Maxaa inoo qabsoomay Maxaase inaga qabya ah ?

    Cabdilahaahi Xaaji Saciid

    Cubeesh@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: