SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Nin reer Somaliland ah oo 18 Waddan oo Dunida ah Baabuur ku soo maray oo soo gaadhay Hargeysa

    Posted by Sawnews.tk on June 1, 2009

    Maayarka_Hargeysa_oo_soo_dhawynaya_Ninka_gaadhi_dunida_ku_soo_marayHargaysa(Sawnews)Maxamed Muuse Yuusuf (Makhtal) oo u dhashay Somaliland, isla markaana Gaadhi ku soo maray 18 dal oo Dunida ah, ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa.halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.Muwaadinkaasi oo muddo shan bilood iyo Todoba maalmood ah ku soo maray gaadhigiisa gaarka ah 18 dal, oo uu ka bilaabay magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, France, Belguim, Germany,Sucuudiga, Masar iyo dalal kale, waxa duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa ku  qaabilay Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud (Jiciir). Maxamed Muuse Yuusuf, oo saxaafada halkaasi ugu waramayay ayaa u mahad naqay maayarka Hargeysa iyo Saxaafada Somaliland oo uu xusay inay si diiran u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Waxaad ku mahadsan tihiin inaad aad iyo aad iigu soo dhaweyseen inaan dalkayga imaado dhib kasta iyo wax kasta oo aan soo marayba, waxaanan hawshan u galay in dhalinyarada dalku ay iyaguna albaab walba u gaaraacaan qadiyada Somaliland.waxaan filayaa dad iga mujaahidsan ayaa jira, balse aniga sidan ayay iga qabsatay.ictiraafka Somaliland ma aha wax la caaridi karo.”Mr. Makhtal oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray, “Dad intaasi  oo malyuun ah xaqoodii in ma jirtaan la yidhaahdaa waa baadil. ” Maxamed Muuse, wuxuu madaxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ku eedeeyay inuu yahay inaanay ka go’nayn in uu si siman Wararka uga tebiyo geyiga Soomaalidu degto, waxaanu sheegay in Somaliland aanu si toos ah Wararka uga tebinin. “Taasna waxa ka markhaati ah inaan Anigu war sadex jeer u duubay Anigoo Urdun Jooga, oo Aamina Muuse Weheliye iga duubtay, marna ay inanta kale iga duubtay ayaa jiray oo aan la sii dayn.”Ayuu yidhi Maxamed.

    Maxamed Muuse, wuxuu sheegay in dalalkii uu soo maray uu kala hadlay qadiyada ictiraafka Somaliland. Makhtal oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay jireen dhibaatooyin uu kala kulmay mudadii uu socdaalkaasi dheer ku gudo jiray, waxaanu yidhi “Dhibaatooyin  badani way jireen waxaase iigu darnaa tii aan kala kulmay safaarada Itoobiya ee ku taala dalka Jabuuti oo ii diiday inaan dalkooda galo, waxaanay igu yidhaahdeen gaadhigani geli maayo dalkayaga”

     

    Waxa kale oo uu u mahad naqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Wasiirka Warfaafinta, Taliyaha Sirdoonka iyo Taraafiga Jabuuti oo uu xusay inay si wanaagsan ula shaqaynayeen mudadii uu dalkooda ku sugnaa.Gaadhiga_uu_watay_Muwaadinku

    Muwaadinkaasi waxa kale oo uu sheegay inuu arrin nasiib daro ah kala kulamay Boorame, halkaasi oo uu carabaabay in loo diiday inuu la kulmo madaxdii Gobolkaasi, marka laga reebo Maayarka oo Hargeysa ku soo maqnaa. Maayarka_Hargeysa_oo_hadlaya_iyyo_Ninka_Gaadhiga_dunida_ku_soo_maray

    source Hiiraan

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: