SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warsaxaafdeed ay soo saareen xisbiga UCID

    Posted by Sawnews.tk on May 31, 2009

    Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID

    Justice and Welfare Party

     B a a q Beesha Caalamka      

     

    Sida la wada ogsoonyahay Somaliland waxa ay maanta markii 2aad u diyaar-garoobaysaa doorashadii madaxtooyada oo gudo iyo dibedba aad looga xiisaynayo.  Somaliland waxa ay iyada oo keli ku ah qabsatay waxyaalo tiro badan oo ay kamid yihiin nabad iyo xasilooni, haykal dawladeed oo shaqaynaya iyo horumar dhinaca siyaasadda ah iyada oo ku tallaabsatay nidaam dimuqraadiya oo ay ku muujinayso bisaylkeeda siyaasiga ah.

    Somaliland waxa ay dhismaheeda dawladeed ka bilawday meel madhan halgan dheer oo maal iyo moodba ku dhammaadeen kedib. Kedib markii ay xorriyadeeda lasoo noqotay 18kii May 1991 ayuu shacabka Somaliland u guntaday inuu dhiso qaran cusub oo casriya isaga oo is waafajiyey dhaqankoodii soo jireenka ahaa iyo midka casriga ah.

    Somaliland iyada oo ku taalla geyi qalalaase iyo xasilooni-darro ka jirto ayay ka dhex muuqatay Geeska Afrika marka la eego nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda kuna mutaysatay in loogu yeedho buqcaddii nabadgelyada (oasis of peace).

    Iyada oo aanay cidna ka qarsoonayn inay waxaas oo dhan keligeed qabsatay ayay bulshada caalamku kala bakhayshay wixii ay xaqa ugu lahayd oo ah ictiraaf ay kaga mid noqoto bulshada caalamka waxaana loogu abaalguday in loola dhaqmo sidii wadan aan jirin. Waxa ay u egtahay in bulshada caalamku Somaliland ku xukuntay cunaqabatayn aan xaq ahayn. Taasina waxay keentay inay nuglayso cududii dhaqaale islamarkaana fursad u siinwayday inay kasoo kabato burburka kaabayaashii dhaqaale ee ku burburay dagaalladii taasina waxay keentay inay kobciwaayaan hayadihii dawliga ahaa.

    Waxa kale oo isaguna muhiim ah in la xuso dhul-gariirka dhaqaale ee caalamka ku dhacay oo si toosa u wiiqay dhaqaalihii marka horeba liitay iyada oo dadkii dibedda ku noolaa ee dhaqaalaha soo dirijiray ay awoodiwaayeen inay dadkooda wax soo taraan. Sidoo kale waxa iyaguna istaagay ganacsigii xoolaha nool ee wadankan laf-dhabarta dhaqaale u ahaa. Waxa kale oo dalka saameyn weyn ku yeeshay abaar dheeraatay oo xoolihii iyo beerihii aafaysay dadkiina ku soo fatihisay magaallooyinka oo marka horeba shaqo la’aantu ka badnayn 90%.

    Duudsiga xuquuqda shacbiga Somaliland ee caalamku ugu badheedhay waxay keentay in uu dhaqaalihii dalku kori waayo, shaqo la’aanta iyo faqrigu baaho laf-dhabartii ummadda oo ahaa dhallinyarta ay ku timaado niyadjab iyo quus kedibna ku kaliftay inay nafahooda khatar geliyaan oo ay dalka ka tahriibaan kuna madheen badaha waaweyn iyo saxaraha carbeed.

    SIDAA DARTEED, waxa Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland (UCID) isaga oo ka wakiil ah ummadda uu caalamka ugu baaqayaa in lala soo gaadho gargaar degdega oo aadminimo iyo mucaawimo horumarineed oo waxtar leh si loo joojiyo hanqanka ismidamiska ah ee ka dhashay rajo-xumada ay keentay horumar la’aanta iyo dhaqaale xumidu.

     Sidoo kale waxa aannu bulshada caalamka ka codsanaynaa in ay Somaliland siiyaan waxa ay xaqa ugu leedahay oo Ictiraafku ugu horeeyo.

     Xisbiga UCID waxa uu caalamka xusuusinaya in xasilooni-darrada ku timaada Somaliland ay saameyn weyn ku yeelandoonto nabadgelyada wadamada gobolka sida Djibout, Kenya, Ethiopia iyo arrimaha murugsan ee Somalia oo sii xumaandoona. Dhinaca kale, nabadgelyada iyo ictiraafka Somaliland waxa uu wax weyn ka taridoonaa xal-u-helidda Somalia iyo nabadgelyada guud ee Geeska Afrika.

    Ugu dambayn, xisbiga UCID waxa uu mahad ballaadhan u naqayaa wadamada fara-ku-tiriska ah ee sida dadban Somaliland u caawiya.

         

     Alla Mahad Leh

       

                               Eng. Faysal Cali Warabe

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID/Musharaxa Madaxweynaha

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: