Duqayda Deegaanka Dilla oo Codsaday Gurmad Nabadeed oo Soo Gala Nabadaynta Degaanka C/bardaale!
Posted by Sawnews.tk on May 31, 2009
Borama (Sawnews/Harowo) – Shirkii Nabadaynta ee ka socday deegaanka kalabydh ayaa hakad galay ka dib markii duqayda deegaanka Dilla uu ka yimid codsi ah in gurmad nabadeed yimaad madasha wadahadalku uga socdo labada dhinac. Hadaba, qoraalka ay qoreen duqayda wadahadalka uga qayb galaysa dhanka deegaanka Dilla oo ay ku socod siiyeen gudoomiyaha Guurtida aya soo gaadhay Shabakada wararka ee Harowo.com qoraalkaas oo ay duqaydaasi soo jeedinayaan in Arinta lagu soo celiyo tubtii nabadu ku dhalan lahayd oo hada la majaro habaabshay.
Qoraalka ayaa qodobadiisu u qornaayeen sidan. isagoo ku taariikhsaynaa 30/05/2009
ku: Gudoomiyaha golaha Guurtida
In mudo ahba waxaa lagu hawlanaa soo afjarida arinta ceel-bardaale, mana aanaan ku qanacsanayn marnaba sida ay hawluhu u socdeen, ee ay ergada guurtidu wax u hogaaminayeen amaba u wadeen, balse maslaxada guud iyo wada-noolaanshaha ummadda ayaan ugu dulqaadanaynay wax kasta oo dulmi nagu ahaa.
Hadaba, waxaa soo ifbaxaya in arintii dhimashada, dhawaaca iyo ka garnaqsiga dhulka mar lagu wada dhawaaqayo, Anagu hore ayaan u soo jeedinay in dhimashada iyo dhaawaca la dhamaystiro, oo marka labada beelood iyo qoysaskoodii dhimashadu ku dhacday nabada qaataan ee samirsiintana la siiyo, la gudo galo markaas wixii kale ee garnaqsiga dhulka ah.
Dhinaca kale waxay codsadeen in arinta dhulka la soo horaysiiyo, ergadii waxay ula muuqatay in labada arimood isku halmar la wada go’aamiyo.
Anaga aragtitayadu waxay noola muuqataa in ayna nabadu sidaasi ku dhalanayn,balse ay noqonayso bilow colaad iyo dagaal hor leh oo ay guurtidu ka dhex aloosayso labada deegaan, waa hadii laga leexdo sida ay nabadu ku dhalan karayso, sidaas darteed waxaan soo jeedinaynaa.
1- In arinta lagu soo celiyo tubtii nabadu ku dhalan lahayd
2- Si qodobkaasi u hirgalana in golaha guurtidu farogelin degdeg ah ku soo sameeyo hawshani socota oo uu ku soo dabaalo tubtii nabadaynta loo mari jiray ee dhaqan iyo xeerba lahayd, isla markaana ka galaan gurmad si looga badbaado guuldaro dhinac walba ah.
Ugu dambayn waxaa naga go’aan ah in aanaan ka soo qayb galayn, arin natiijadeedii noo muuqato, oo aan laga doonayn nabad.
Waxaan dib ugu soo noqonaynaa madashii, hadii uu yimaad gurmad kale oo hawlaha soo farageliya, kuna soo celiya hawsha nabadaynta dariiqii ay lahayd ee walaaltinimo iyo nabad waarta ku dhx mari lahayd beelaha iska hor-imaadku dhexmaray.
Ala Mahad leh
Duqayda ka wakiilka ah dadweynaha degaanada ka soo rogan Cel-bardaale
1- Cheif Caaqil Daahir Xasan Xadi
2- Caaqil Ismaaciil Ibraahim
3- Caaqil Daahir Xuseen
4- Cheif Dahir Cabdi Bade
5- Caaqil Maxamuud Muxumed
6- Caaqil Maxamed Kaahin
7- Caaqil Ciise cabdi Colhaye
8- C/laahi cali Xuseen
9- Cali xaaji Xirsi Cawaale
10-Yuusuf C/laahi Cali
11-Caaqil Ibraahim Ismaaciil
12- Cismaan muxumed Aare
13- Muuse Axmed Xasan
Hashim Goth
Harowo.com, Boorama, Somaliland
Email: hashimgoth@hotmail.com
Leave a Reply