SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB Oo Gabiley U yimid Xaflad lagu soo dhawanayo Gudoomiyihii Ucid ee Gabilay iyo tageerayaal u diga rogtay UDUB

    Posted by Sawnews.tk on May 28, 2009

    xoghaya udubGabiley (Sawnews)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Mr Jaamac Yaasiin Faarax ayaa markii uhoreysey maanta soo gaadhey Magaalda Gabiley tan iyo intii loo magacaabey xilkaasi,isagoo ujeedada Socdaalkiisu la xidhiidhey Xaflad Xisbiga Udub kusoo dhaweynayo Gudoomiyihii Gobolka Gabiley ee Xisbiga Ucid Mr Maxamed Muuse Qowrax iyo xubno kamid ah taageerayaashiisii Xisbiga Ucid oo u digaroganaya Xisbiga Udub.

    Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Jaamac Yaasiin Faarax oo imaatinkiisa Xafladaha noocan oo kale ee Gobolka Gabiley utahey markii labaad ee nooceeda ah oo uu yimaado marka lagu daro xafladii Xisbiga Udub dhawaan kusoo dhaweeyey Degmada Alleybadey taageerayaashii Xisbiga Kulmiye ee sheegay in ay ku biireen Xisbiga Udub,ayaa sida la sheegay imaatinkiisa Gabiley ee xafladani waxa uu kadanbeeyey kadib markii ay Maamulka Xisbiga Udub ee Gobolkani kusoo martiqaadeen Xaflada caawa Xisbiga Udub kusoo dhaweynayo Magaalada Gabiley Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka iyo taageerayaashiisa ,xafladaas oo lagu qabanayo Huteel Asker Magaalda Gabiley.

    Waxana Sida la Sheegay Xafladani iyaguna kasoo qeyb galaya Wasiiro iyo masuuliyiin badan oo Xukuumada katirsan ,Haweenka Xisbiga Udub ee Caasimada Hargeysa Mr Axmed Aar Safiirka Wareega iyo taageerayaal badan oo Xisbiga Udub ah.

    Dhinaca kale sawxanka iyo buuqa xafladani ayaa caawa siweyn looga dareemayaa guud ahaan Magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley ,oo ay mudooyinkan danbe ku xoogeysteen xafladaha Xisbiga Udub laakiin,dhinaca kale waxey dadweynaha reer Gabiley u dhegtaagayaan khudbada hadalada Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub oo dhawaan Alleybadey si adag ugu durey Xisbiga Kulmiye oo aaney reer Gabiley ceydiisa hore u ogoleyn.

    Waa xafladii labaad ee Xisbiga Udub ku qabsado Gabiley ee lagusoo dhaweynayo tagerayaal kasoo baxey Xisbiyada mucaaridka ah iyadoo tan tii kahoreysey oo uu soo qabanqaabiyey Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud Mr Maxamed Aw Cabdi(xirsi) lagu qabtey Huteel Asker ee Magaalda Gabiley.

    xigasho

    Gabileynews

     

    kala soo xidhiidh Sawnews: kariimsheekh@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: