SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu

    Posted by Sawnews.tk on May 28, 2009

    rayaale-berbera-150x150Berbera(Sawnews)Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu
    hogaaminayay ee weli ku guda jira safarkii shaqo ee ay ku joogeen
    Magaalada Berbera, Caasimada Gobolka Saaxil, ayaa Saaka ka qayb galay Shir
    balaadhan oo uu u kuur galayay Waxqabadka Waaxyaha iyo laamaha Xukuumada
    ee Gobolka Saaxil
     
    Kulankaasi balaadhan oo lagu qabtay xarunta Dawlada Hoose, waxa ka soo
    qayb galay Dhamaan Waaxyaha iyo Laamaha horumarinta Bulshada haddii ay
    noqon lahayd Dawlada Hoose, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Laydhka,
    Cadaalada , Arrimaha Qoyska, Diinta iyo Awqaafta iyo waaxyaha kale ee ka
    hawl gala Arrimaha Horumarinta Gobolka.
     
    Kulankaasi, waxa ka hadlay Masuuliyiin fara badan oo si qoto dheer u
    qaadaa dhigay waxyaabaha u qabsoomay dhinacyada Adeega Bulshada iyo
    baahiyaha kala duwan ee aanay weli dabooli Karin, una baahan in sida ugu
    dhakhsaha badan wax looga qabto.
     
    Masuuliyiinta halkaasi ka hadashay wax ka mid ahaa Maayarka Magaalada
    Berbera, Badhasaabka Gobolka, Maamulaha Wakaalada Biyaha, Agaasimaha
    Waaxda Laydhka, Isu-duwaha Caafimaadka iyo masuuliyiin badan oo kale, wax
    intooduba ay ugu mahad naqeen socdaalka Madaxweynuhu uu ku yimid Gobolka
    Saaxil caasimadiisa Berbera, si uu ugu kuur galo Waxqabadka Waaxyaha kala
    duwan iyo baahiyahoodaba, waxana ay sheegeen in Magaalada Berbera ay aad
    ugu diirsatay Mishiinadii waaweynaa ee Laydhka oo aan la bakhtiinin afar
    iyo labaatanka saacadood habeen iyo maalinba, kuwaasi oo ay sheegeen in
    hirgelintooda uu sabab u ahaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir
    Rayaale Kaahin oo ku dedaalay in Berbera ay hesho laydh ku filan, iyadoo
    Mishiinadu ay u baahan yihiin wakhtigan xaadirka ah Macmiil ka badan inta
    ay haatan gacanta ku hayso, taasi oo ay rajaynayso in ay soo kordhi
    doonaan mustaqbalka, si loo daboolo baahiyaha dhinaca shidaalka iyo
    kharashaadka kale ee ku baxa waaxda Laydhka.
     
    Waxa kale oo ka mid ahaa hadaladii halkaasi Madaxdu ka sheegeen Maareyaha
    Wakaalada Biyaha oo yidhi (Berberi waa Magaalada Kaliya ee Biyaha Macaani
    aanay ka go;in maalin walba, dhamaan magaalada qaybaheeda kala duwan).
     
    Madaxweynaha oo halkaasi hadal uga jeediyay masuuliyiintaasi, waxa uu ka
    codsaday intii awoodooda ah in ay dedaalkooda sii laban laabaan, iyada oo
    xukuumadiisuna ay ku dedaali doonto intii awoodeeda ah in ay wax ka qabato
    baahiyaha ay u soo bandhigeen.
     
    Madaxweynaha iyo wefdigii uu hogaaminayay waxa kale oo ay soo kormeereen
    Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Berbera oo iyana uu u kuur galay
    baahiyahooda kala duwan ee ku saabsan kor u qaadida adeega caafimaadka ee
    Cisbitaalka.
     
    Ugu danbayntii, waxa uu Madaxweynuhu kormeer ku soo maray Dekeda Magaalada
    Berbera, halkaasi oo warbixin kaga dhagaystay Maareeyaha Dekeda Berbera
    Mudane Cali Xoor-xoor, iyadoo wakhtigaasi ay dekeda ku xidhnaayeen
    Maraakiib siday Raashin badan oo ay dekeda ka soo dejinaysay laanta
    Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhinaca Cuntada ee loo yaqaano WFP,
    Raashinkaasi oo qaar ka mid ahi ay u socdeen dalka itoobiya.
     
    Alla Mahad leh
     
    Siciid Cadaani Mooge
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: