SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Boorama biyo yaraan aad u ba’an oo keentay in xaafadaha iyo qaybo kale oo magaalada ka mid ah biyo laga waayo

    Posted by Sawnews.tk on May 28, 2009

    BOORAMA –(shaabaSawnew/SNN)- Waxaa maalmahan soo food saartay magaalada Boorama biyo yaraan aad u ba’an oo keentay in xaafadaha iyo qaybo kale oo magaalada ka mid ah biyo laga waayo, iyada oo shalay iyo maanta ay ahayeen labada maalmood ee ugu darana waxaa waliba intaas dheer cimilada oo hada isbadashay oo waqti xaggaa ah la galay ayaa kulaylku waxa uu gaadhaya inta u dhaxaysa 35-38C waana kuaylkii ugu darnaa ee ay Magaalu baryahan aragto.

    Hadaba masuul ka tirsan shirkada SHABA oo ah tan siisa adeega biyaha magaalada Boorama oo aan jeclayn in la magacaabo ayaa carababay in ay ceelashu biyo yareen, ayna magaaldu isticmaasho afar ceel kaliya kuwaas oo waayo hore la qoday inkasata oo ay dib u habayn ku sameeyeen ayaa hadana waxba aanu kaga filayn ceelashaasi mid kale dadka magaalada degan ayaa ka baday intii ay ahaayeen iyaga iiistcmaalaka biyuhuna ay aad uga badeen sidii hore cimilada isbadashay awgeed.

    Waxaa xusid mudan sanadkii hore mar ay sidan oo kale dhacday SHABA waxa ay sheegtay in ay diyaariyeen ceelal kale kuwii horena ay hagaajiyeen, balan qaadkaa wax iska badalay lama garanayo meesha ay wax ku danbaysiiyeen waxaana hada lagu soo baaraarugay magaalada biyihiiba ka go’aya, arintaas oo manta iy shalayba dadku isweydiinayeen, waxaanay SHABA ka mid ahayd sharikadaha ugu cad cad gobolka ee tusaalaha loo soo qaato hadase wax ku dhacay lama garanayao iyagauna wali arintaas si cad oo faahfaahsan ugam ahadal.
    shaaba

     

     

     

     

     

     

     

    Salalnews

    kariimsheekh@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: