Wafti Faransiis ah oo kasoo Degay Madaarka Berbera
Posted by Sawnews.tk on May 27, 2009
Berbera (SAWNEWS/Qarannews)-Diyaarad Sida Wafti Frances ah oo soo fadhiisatay Garoonka Diyaaradaha Berbera. War deg deg ah oo hada naga soo gaadhay wariyaha shabakada qarannews uga soo warama gobolka Saaxil oo hada ku sugan magaalada Berbera ayaa noo xaqiijiyay in ay hada saacad ka hor ay madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera ay soo cago dhigatay diyaarad khaas ah oo laga leeyahay dalka Faransiiska, diyaaradaasi oo uu wariyuhu uu sheegay in ay siday wafti aad u culus oo ka socda dalka Faransiiska.
Shalay ayaa wafti uu hogaaminaayo madaxweymaha Somaliland waxa ay ku caraabeen oo u socdaaleen magaalada Berbera safarkaasi oo aan markii hore la sii shaacnin, hase ahaatee shalay subax ayaa diblomaasi ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Somaliland waxa uu shabakda qarannews, u xaqiijiyay oo uu u sheegay in mudooyinka soo socda, war wanaagsan la maqli doono, gaar ahaan xaga Berbera, diblimaasigaasi oo shalay subaxdii hore noo waramay muu sharaxin ama nooma uu faah faahinin warkaasi la maqli doono isga oo ku dhaafay (it will be a good news).
Ilaa hada xaga xukumada wax war ahi oo diyaaradaasi iyo waftiga yimid ku saabsani kama uu soo bixin, dhanka kalena warar aanu hada helaynaa waxa ay sheegayaan in waftigani ay u socdaan balaadhinta dekada magaalada Berbera oo la doonaayo in si dhakhso ah loo balaadhiyo si looga hawl galo, hawlgalkaasi oo ah xaga ganacsiga iyo soo dejinta alaabooyinka baayacmushtarka iyo kuwa u gudbaaya wadamada geeka Afrika.
Leave a Reply