SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War Degdega:Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo Socdaal Kedis Ah ku Tagay Gobolka Saaxil Ee Berbera

    Posted by Sawnews.tk on May 26, 2009

    war_deg_degah Hargeysa(Sawnews/HWN):-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa socdaal aan hore loo shaacin ku jooga Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera,kadib markii uu galabta ka kicitimay Magaalada Hargeysa.

    Sida la sheegay Weftiga waxa magaalada Berbera ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Gobolka iyo degmada, dadweyne tira badan iyo marti sharaf kale.

    Lama garanayo inta uu qaadan doono socdaalka Madaxweynaha iyo u jeedada socdaalkiisa, hasayeeshe Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Caddaani Moogge wuxuu ku tilmaamay in uu la xidhiidho sidii ay xogta xaqiiqada nolasha ee ka jirta Gobolka Saaxil ee xiligan.

    Afhayeenka oo Magaalada Berbera Saxaafada kula hadlayay ayaa tilmaamay in Weftigan Madaxweynaha ee booqashada ku jooga Magaalada Berbera ay ku weheliyaan Wasiirada Arrimaha Gudaha, Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi iyo masuuliyiin kale ay shirar la yeelan doonaan masuuliyiinta Gobolka Saaxil, Golaha deegaanka iyo laamaha kala duwan ee Hay’adaha dawliga ah ee Gobolkaasi.

    Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa la dejiyay oo ay caawa u hoydeen Guriga martida ee Magaalada Bebera, waxaana galabta ku soo dhaweeyay Madaxweynaha oo ka soo galbiyay badhtamaha Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

    Madaxweynaha Somaliland intii uu ku sii jiray jidka waxa lagu soo dhaweeyay tuulada Sh. Abdaal ee gobolka Saaxil, waxa kale oo sida wararku ay sheegayaan uu sii maray degmada Mandheera ee gobolka Saaxil oo uu ku yaalo dugsiga tababarka ciidamada Booliska iyo Asluubta.

    Safarkan Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa ku soo beegmay wakhti ay Magaaladda Berbera ka jiraan xaalado adag oo isbarkan, isla markaana ay Siyaasiyiin, Abwaaniin, Xildhibaano Baarlamanka ka tirsan, Golayaasha Deegaanka, Aqoonyahaniin iyo dad badan oo kale oo reer Somaliland ahi ka dayriyeen sida ay Berberi tahay ama sii noqonayso sanadihii ugu dambeeyay oo ay u sii ee gaanayso Magaalo laga guuray, dhinac kasta oo laga eegana hoos-udhac kaga yimi, iyada oo ah meesha kaliya ee ay ku taalo Dekadda dhaqaalaha ugu badani dalka ka soo galo.

    Si kastaba ha ahaatee, Socdaalkan Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo aan hore loo soo shaacin, ayaa la sheegay in uu la xidhiidho u kuurgalka xaaladahaas qalafsan, balse lama garan karo waxa uu Safarkan Madaxweyne Rayaale ka bedali doono dhibaatooyinkaas is barkan ee Berbera la dariska ah.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: