SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • 26,500 oo arday oo sanadkan u fadhiistay imtixaanaadka dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee gobolada Awdal iyo Salal

    Posted by Sawnews.tk on May 25, 2009

    sheekh ali jawharBOORAMA(Sawnews)Waxaa sanadkan u fadhiistay Imtixaanaadka sanad waxbarasheedka 2008/2009 ardaydii ugu tirada badnayd ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare u fadhiista imtixaanaadka sida uu  sheegay agaasimaha waxbarashada gobolka Awdal Prof: Daahir Maxamuud Xaddi waxaanay ardaydaasi noqonaysaa tiradii ugu badnayd ee baryahan soo marta labada gobol ee salal iyo Awdal.

    Marka waxa ay gaadhaysaa tiradoodu marka laga reebo fasalada afraad iyo sideedaad kuwa ka baxaya ee shahaadada qaadana 26,500 oo arday marka lagu daro ardayda guud ahaan ka baxays la isku wada daro waxa ay noqnayaan 33,000 oo ardayda ka qalin jabinaysa fasalada sideedaad ee u gudbysa dugsiyada sare iyo kuwa afraad ka baxaya ee jaamacad habhaabana kaligood wax ay noqonaay 6500 taasi o ah Ardaydii ugu tirada badnayd ee soo marta gobolka Awdal.

    Imtixaanaadkan oo bilaabmay todobaadkii dhexe ee bisham may ayaa ilaa hada socda oo ardaydu hada ay qaadanayaan Half GC oo ay u fadhiyaan ardayda ka baxaysa fasalada labaad ee dugsiyada sare waana sanadkii sedexaad ee ardaydu qaataan nidaamka layidhaahdo Half GC oo loogu talo galay marka ardaydu ka baxdo fasalka labaad ee dugsiga sare in ay kala doortaan marka ay gaadhaan fasalka sadexaad ee dugsiga sare Arts iyo Sceince

    Xasan Ciise  Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: