SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ismiidaamiye Afar Askari Ku Dilay Muqdisho

    Posted by Sawnews.tk on May 24, 2009

    AFP-Somalia-insurgents-Mogadishu-210_2Qof isa soo miidaamiyay ayaa maanta oo Axad ah qarax ku dilay afar qof magaalada Muqdisho, ugu yaraanna afar kale ku dhaawacay.  Arintan ayaa daba socota dagaallo culus oo maalmihii tagay Muqdisho ku dhex-marayay ciidamada dawladda iyo Islaamiyiinta ka soo horjeeda.

    Saraakiisha ayaa sheegay in qofka isa soo miidaamiyay  uu gaari la soo galay xero millatari, kadibna uu halkaas isku qarxiyay.

    Dagaallo culus oo xukuumadda iyo xoogagga Islaamiyiinta ku dhex maraya Somalia ayaa kumanaan kun oo qof ku khasbay in ay barakacaan.  Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in illaa iyo 8,000 oo qof ay magaalada ka qaxeen Jimcihii, taasoo ka dhigaysa tirada dadka soo barakacay 57,000.

    Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in shalay Sabtidii uu laba degmo oo magaalada ah uu dagaal ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxda dagaalka wada, kadib xasillooni jirtay aroortii hore.  Dagaalkaas ayaa ugu yaraan waxa ku dhintay saddex qof in darsin ka badanna waa ay ku dhaawacmeen.

    Jimcihiina, ugu yaraan 45 qof ayaa dhintay in ka badan 180-na waa ay dhaawacmeen dagaal ay qaadday xukuumaddu.

    kassem Daud
    Mogadishu, Somalia

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: