SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Bashoy Magacaagu Waxa uu Noqday Ishiish, Aragaaguna Waa Ufuuf, Hadalkaaguna Waa Akhaakh. Qaybtii 2aad. Written By Cabdilahi Xaji Saciid .

    Posted by Sawnews.tk on May 23, 2009

    Bashoy wax la quuto dartiis waxaad u jeceshahay kalluun ama “Mallay” , markasta oo urtiisu ku daartana wayrax iyo wareer baa maanka iyo miyirkaba kaa qaada . Hasa yeeshee ma aad is waydiisay kalluunku bad buu ku jiraa adiguna biyahaad ka caagantahay, hadaba waxa la yaableh kalluun bad ku nool oo aan ka soo baxayn ,iyo adigoo biyaha neceb ood intaad ugu dhex gasho aan  kala soo baxayn.
     
      Damaca kugu baaba ay balse hilibkiisa xijaabku idiin dhaxeeyo , sideed kaga haqab baxaysaa? Ma waxaad kaga dhargayso baryo, boob iyo tuugo. Bashoy baryo waa ceeb boobkuna waa halis ,tuugaduna ka sii darane waxa kuu dhaamaa oo amaan iyo mahad mudan , adoo dabaal iyo jilaabasho barta oo xirfad xalaal ah oo halis iyo ceeb ka madax banaan ku hawl gala , waana jidka kaliya ee kuu furan.
     
      Maqal Badawyaleyey! Wuxuu eebaheen uunkiisa faray hawl gal iyo shaqo , isaga oo ku amray ” Dhulka quudkiina kala soo baxa , maalintii hedlada habeenkii nasta oo huwada “. Habeen dadan oo aamusan sida loo xasilan yahay , waadha waadku goortuu kaahiisa bari ka oogsanaayo , gayigii xasilnaa waxa ka bilaabma sawaxan iyo dhaqdhaqaaq . Waxa dhawaaqa diiqa ama diigga , waxa qayliya dameeraha , waxa la maqlaa eedaanka salaada waabari . Waxa wada dhawaaqa dhamaanba shimbiraha iyo intii soo raacda , waa buseel ay ku farxaayaan oogta waabariga iyaga oo ku lalabaaya  “mugdi wuu dhamaadee baraaruga , jimicsada, hambalyo hambalyo ,is diyaariya xoogsi usoo baxa iyo wixii soo raaca “. Naf iyo xirfadeed tab iyo xeesheed halla xoogsi tago , Jugay Jagac Fagay Fagax!!
     
     
        Bashoy Badawyaleyey ! Waagii baryaba tartan nololeedka xoogsatada lalalbihiisa firifircoonida ku oogto, adigu waligaa kaalintaad kaga jirto dib ma isku waydiisay ? Jawaabtu waa Maya ! Maya ! oo Maya ! . Adoo is waydiiyaba daayoo , xoogsatadu hayb kastiba xaruntii ay ka jarmaaday , intood dib u waydaarato waxaad raad goobtaa gogol diiran oo laga soo toosay ama hoos ka qabaw ee habeen ka hadhka loo yaqaan. Halkaasaad  hurdo macaan ka bilowdaa adoo raaxayso aaminsan .
     
      Makasey magacaa Ba` ma intaadan xoogsi baran xoolana aad dhaqanbaad raaxo aad gogol reerood  isugu kala baacisaa , miyaad sixran tahay mise waad siloontahay . GARAADLAAY BADAWYALEYEY , SABOOL QAAWAN OON QUUSAN BAAD TAHAY , QAAB KAAGA OO KALE , QUDHUN IYO QAS MOOYEE , QANIICAAD LA QAAYIBO , QAANUUNKA NOLASHIYO , QARSHE LAGU TANAADOO , UUNKU U QUSHUUCAAN ,KUMA JIRO QULUUBLAY , HANKAAGAA QARWAAYEE.
     
      Waxaan qodobkan kaga gudbayaa Bashoy raaxo kuuma banaanee basar xumada ka buldhe . Been been ku nooleey , hankaaga gurracan hedal badbaada ku bedel , dhaqan fayaw bilaw , xalaal maalkana baal ka raac , hadii kale gogoshaad kujiifto wadkaaga ku sug kaama foga eh.
     
     
     
             Boshoy wax ma dhigatoy             garaadlay had iyo jeer baahaneey
             Hadaad barato kaydsiga              ood barri saadka maadhkiyo
             Barwaaqada cuntadaad               ku bokhokhdeed   Budliseed ka dharagteed           
             Baaqiga ka soo hadha                  bartii kaga dhaqaadaa
             Basar xumo in ay tahay                jeer aad u bislaatood
             Bashoy barato kaydsiga                buufimo sabooliyo
             Bilaash xayte tuugada                 boojimo u haystoo
             Bayuur beegsataad tahay            bashoy badawyaleyey
             Been been ku nooley                   baanaha burhaantiyo
             Baarumaha waanadu                   bud kuuma tarayooo
             Barakada ka qaadee                    maxaan kuugu biirshaa ? .
            
     
                       
           
       
     
     
         Uunkan eebbaheen dunidan ku aloosan nooc kastaba ha ahaadee waxa uu qaybshay “Lab iyo Dhidig ” si dhexdooda tafiiri uga sii taranto . Waxa uu waajib dabar uga dhigay kalgacal isku sakhira dhibaatooyinka dhalmadana ka shareera . Jacaylku waa nolol , noloshuna waa jacayl , waxaan u aragnaa tiraabtaasi macnaheedu inuu yahay jacaylku hadaanu jirin nolashuna ma ay jirteen , Waayo? Hooyo ilmaheeda korisa ama xilkiisa xaslata lama arkeen .
     
              Lasoco……………
     
     Curuntii
               Marxuum Abwaan Xasan Sh Moumin Gaafane .
     
      Written By 
                    Cabdilhai Xaji Saciid .

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: