SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warsaxaafadeed Kooban oo Ka Soo Baxay Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasiga ee EMB.

    Posted by Sawnews.tk on April 26, 2009

    Hargeysa (sawnews) – Warsaxaafadeed Kooban oo ay soo Saareen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ee EMB, ayaa lagu sheegay in Kulankii maanta ku dhexmaray Qasriga maxdaxtooyada madaxweye Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarad ee Ucid iyo Kulmiye inay “awood buuxd ku siiyeen guddida dhexdhaadinta inuu soo darso fikradaha ay soo jeediyeen” sadexda dhinac, isla markaana “go’aanana ka soo gaadhaan.”

    Warsaxaafadeedka Gudida dhexdhexaadinta ayaa u qornaa sedan:

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Mudane Faysal Cali-waraabe, kulankii ugu horreeyey ee maanta kula yeesheen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ee EMB, waxay isku raaceen in xal loo helo is-mariwaaga siyaasadeed ee taagan.

    Madaxweynaha iyo labada guddoomiye iyagoo ka hadlay duruufaha dalka ka taagan iyo kuwo ku mandaqadda, waxay kulankaa isku waydaarsadeed fikradahooda iyo aaraahdooda.

    Madaxweyanaha iyo labada guddoomiye waxa ay kulankaas ku cusboonaysiiyeen, awood buuxdana ku siiyeen guddida dhexdhaadinta inuu soo darso fikradaha ay soo jeediyeen go’aanana ka soo gaadhaan.
    source
    Harowo Desk, Hargeysa,

    Leave a comment