inaanilaah wa inaa ilaah raajicuun
waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan qoyskii ree xasan mataan meel kastoo joogaanba geerida naxdin ta leh ee ku timi marxuun MAXAMED XASSAN MATAAN oo geeriyooday galabta london wxaaan waynaha uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo dhamaan umada ree somaliland samir iimaan uu kasiiyo aamiin
alla ha u naxariisto marxuun MAXAMED HASSAN MATAAN waxuu ahaa geesi jecel nabada iyo horumarka dadkiisa iyo dalkiisa somaliland
inaalilaah wa inaa ilaahu raajicuun
IBRAHIN GUREY NUUR
MOHAMED GUREY NUUR
]MOHAMED MEYGAAG GUREY ‘
MUHYADIIN GUREY WARSAME
ABDI MEYGAAG GUREY
AHMED MEYGAAG GUREY
MOHAMED AHMED CALLAS
ABDIRAHMAN HUSEN NUUR
ABDIASIS GUREY NUUR
ABDI SICIID WARSAME
MAHAMED DHINBIIL DHARAAR
AHMED CABDI MOHAMOUD
INAA LILAAAH WA INAA ILAAHU RAAJICUUN DHAMAANTEEN SAMIR IYO IIMAAN ALLE HA INAGA SIIYO
———————————————————————————————-
As Rijal Family, we are deeply disturbed to learn Mahamad Hassan Mataan’s sudden death in London, and
we would like to express our sincere sympathy to him and his Family. Please accept our sincere condolence and
pass these sentiments to his children in particular.
Knowing him personally, since the childhood, I was well aware of the difference he made in the lives of many
people. His contribution to the SomaliLand since it’s inception and during his 20 or so years of dedicated and
selfless service were many and varied. He was a major contributor of SomaliLand’s stability across the Land,
and was regarded as a visionary and outspoken by anyone who met him. Believe me his contribution to SomaliLand
will not be forgotten, and to day this will be a difficult loss for his family and all SomaliLanders in particular.
Fowzi Rijal
Toronto
———————————————————————————————
———————————————————————————————-
TACSI TIIRAANYO LEH: INA LILAAH WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN. Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan reer Barkhad Rayaale Kheyre waxaan tacsi u dirayaa meel kasta oo ay joogan Waalidkii, caruurtii, walaalihii iyo qaraabadii uu ka tegay Allaha Ha u Naxariistee walaalkay Maxamed Xasan Axmed (Mataan) oo tii Xaqqii ku yimid xannuun dhawaanaha wadnaha ka hayey awgeed, ugu geeriyooday Magaalada London Cusbitaal ku yaal maanta oo taariikhdu tahay 23/03/2010. Waxaan Ilaahay uga baryeyaa inuu ka dhigo kuwa uu Janadiisa Fardowsa ee sarreysa ugu deeqay. (Aamiin, Aamiin, Aamiin…)
Saciid Barkhad Rayaale
——————————————————————————————–
Waxaan halkan tacsi uga diraynaa qoyskii iyo qaraabadi uu ka baxay maxamed xasan mataan anaga oo ah sheekhyada iyo wax garadka jaliyada samaroon ee dagan waqooyiga yurub gaar ahaan sweden waxaanan marxuunka allaah uga baryaynaa janadii firdawsa inuu kawaraabiyo isaga iyo wixii muslim ahba aamiin aamiin aamiin waxaa tacsida diraya dadkan
1 sh. maxamuud ismail khayre cawleed
2 mawliid jaamac rooble timacade
3 ubax xasan mataan
4cabdi salan cali madoobe
5 xabiiba cismaan dangoo
6 abdilqaadir barkhad mude
7 xamed cabdi cige
Yoonis Maxamed Abdulaahi
__________________________________________________________
Anigoo ku hadlaaya afka qoyska reer xaaji barkhad muude camir waxaan tacsi u diraynaa qoyska reer xasan mataan waxanan uga tacsiyaydaynaynaa geeridii ku timid maxamad xasan mataan oo shalay ku geeriyooday dalka uk waxaanan leenahay ilaahay sabir iyo iimaan ha inaga siiyo dhamaanteen isagana ha ka waraabiyo janadii fardawsa aamiin cabdiqaadir x barkhad muude
———————————————————————————————-
Anigoo ku hadlaya magaca reer Cumar bille oo kala ah Abdirahman, Cabdirashiid , Canab, Cabdiwahab, Faysal, Cabdirisaaq ,Foosiya iyo reerahooga iyo magaca dhamaan reer Bille Dharaar meel kastoy joogaanba waxaaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay walaalkayo Maxamed xasan mataan oo shalay ku geeriyooday magaalada London. waxaan marxuunka illahay uga baryaynaa inuu janatul fardowsa ka waraabiyo Innagana samir iyo iimaan inaga siiyo.AAmiin.
Mohamed omer bille
____________________________________________________________
Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun
كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْتِ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُورِ
Anigoo ku hadlaya magaceyga Abubaker Ali Osman iyo ka xaaskeyga Saada Haji Abdirahman iyo caruurtayda dhammaan waxan Tacsi u direynaa Waalidkii , xaaskii , caruurtii , qaraabadii iyo saaxiibadii u ka baxey Alaha u naxariisto oo janadii fardawsa ha ka waraabiyo eh Mohamed Hassan Matan oo ku geeriyoodey wadanka ingiriiska … Alaha u naxariisto inakana sabir ha inaga siiyo Aamiin Aamiin Aamiin .
Abubaker Ali Osman Awgambole
________________________________________
Tacsi Loodirayo Dhamaan Qaysikii ka haday Marxuumkii Mohamed Hassan (Mataan) Ahmed
Anigoo ku hadlaa dhamaan qayska reer Ayeh, gaar ahaan inta waawayn ee qorba joogta ah magacdoodu na ay kala yihiin ku wa soo socoda waxaan tacis u diraynaan dhamaan qayska balaadhan iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxumm Mohamed Hassan Mataan:
Ibrahim X. Moxamed Ayeh iyo Fadumo Jamac Aye.
Abdixakiin X. Moxamed Ayeh iyo Xaaskiisa
Jiilaan Jaamac Aye iyo Xaaskiisa
Caydaruus Jaamac Aye iyo Xaaskiisa
Abdi Adan iyo Siciida Jamac Aye
Faaisa Hassan Haji iyo Carrurteeda
Huda Abdirahman Aw Elmi iyo Caruurteeda
Liban Jaamac Rabile iyo Saynab Jamac Ayeh
Nasiyo Jamac Aye
Aden Dahir Ayeh iyo dhaman Ilma Aaden Dahir Ayeh
Dhaman Ilma Cali Cabdillaahi Ayeh
Iyo inta kale ee dulkii joogta ee goobjooga u aha aaska.
Waxa aan illaahay kabaryaynaa dhamantayo in uu Illaahay naxariista jano uu ka waraabiyo Marxuum Moxamed Xassan Mataan.
__________________________________________________
Inaa Ilaahi Wa Ina Ileyhi Rajucuun
Aniga oo ah Maxamood Farax Cigaal iyo umaad Muslimka ee ku nool Waqoyega Texas waxa aan tacsi u dirna qoyskii Maxamed Xassan Matan iyo ehlyadii ooo dhan waxa aan Ilahay igu rajeenana samir iyo imaan Allah inaga siiyo, Ameen
Moxamood Farax Cigaal
Irving,Texas