SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Soo Dhawayntii Ugaaska Beesha Ciise Ee Duleedka Tuulada Toqoshi + (Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on February 28, 2010

    Saylac(Sawnews)Sida la wada ogsoonyahay mudo badan ayay ka socotoy qabanqaabada soo dhowaynta iyo caleema saarka ugaaska beelaha ciise, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, laguna caleema saridona maalinta birito ee isniinta madasha saylac ee xarunta gobolka salal, magaalada saylac oo horay loogu caleeme saray ugaasyo badan oo kan ka horeyay, ugaaskanina yahay ugaadka sagaal iyo tobnaad ee beelaha ciise.

    Caleema saarka ugaaskani oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan sida; xubna ka socday xukuumada somaliland, xildaabano ka soo jeda Gobalada Salal iyo Awdal, Salaadiin, Cuqaal, wax garad, dalin iyo dhamaan dhinacyada kala duwan ee kor ku xusan waxa ay ku soo dhoweyeen Ugaas Mustafe, duleedka galbeed ee degmada Toqoshi, halkaasi oo ay u soo galbiyeen caasimada Gobolka Salal ee Magaalada Saylac, taasi oo horay la isugu af gartay in lagu caleemo saaro Mgaas Mustafe maxamed ibrahim. Dhanka kale waxaa ka muuqday dhaqdhaqayo ka la duwan magaladan saylac kaas oo ka duwana midkii horay uga tagnaa, dhinaca dhaqaalaha, isu socodka gadiidka, iyo waliba sicirka wax lagu kala gato oo si lama filaan ah isku badalay kadib markii, ay soo galeen madaxa wafuuda, kasoo qaybgalaysa amaba lagu martiqaaday munasibada caleema saarka ugaaska beelaha ciise ugaas mustafe.

    Sida aynu ku xuseyno hadii aynu eegno dhinaca sicirka shayada quudka amaba shaaha oo horay looga siin jiray meelaha qaarkood, 500sl ilaa 800sl ayaa hada isku shareeray in ka badan 1500sl taasi oo ay keentay isu socodka dhaqdhaqaaq dhaqaale iyo boqrida ugaaska sido kale maaha kaliya shaaha oo kaliya waxa uu ku kordhay sicirku waxa kele oo jira waxyaaba kale oo kala duwan, sido kale waxaa kusoo kordhay magaladan saylac is badal dhaqdhaqaaq taasi oo adeega ugu badan ee dhanka war isgaarsiinta ka fulisay shirkada war isgaadhsiinta ee Telesom oo ah iyadu ta kaliya ee ka howlgasha degmedan Saylac. Ahna shirkada ugu isticmaalaka badan dadwaynaha kala duwan ee ku dhaqana daafaha Gobolada dalakan somaliland, adeegayada ay fulisay waxaa ka mid ah; Internet system, Zaad serviles, GPR iyo adeegyo kala duwan oo ahaa kuwa loo hamun qabay loona bahana una tafa xeedatay shirkada war isgaadhsinta ee Telesom.

    Shabakaduna waxay utahay akhristayaasha diyaar ,inay mar walba u soo gudbiso wararka dheeraadka ah

    Hadaba ha moogaan waxaa noo jooga wariyayaal sitoosa Online u ah wixii intaasi ka soo kordha kala soco Shabakada

    Wariye:-

     Yuusuf Cabdi Cali (indho-qurux)

    Sawnews

    Saylac    Office

    About these ads

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    Follow

    Get every new post delivered to your Inbox.

    %d bloggers like this: