MAANSO (Dad Sagaal Wajillow Warka shaaca ka qaad )By: Abwaan Budin
Posted by Sawnews.tk on February 22, 2010
Borama(Sawnews) Gabaygan waxaa tiriyay Abwaan Budin , waxana gabaygani ka midyahay qaybta suugaantiisa ku wajahan marxaladaha dalka iyo siyaasadiisa ,waxana uu ka hadlayaa waxyaalaha manta dalka ka taagan , qaybo kamida , Akhristayaashu ha dhuuxaan kalana soo dhexbaxaan wixii ujeedo ku jirta Waxuu yiri:-
Anba Waayaha qaar
Shaw wanaaga dartii
Wafti aan u gogla
Warmo ii qarsadee
Jin i weerarayoow
Hadaad waalan tiqiin
Xaqa weecsan tiqiinb
Dir wishaysiyahoow
Wadnahayga Adeer
Waracbuu u dhashoo
Lama waabin karee
Dad sagaal wajiloow
Warka shaaca ka qaad
Wagladii sacabkii
Wiilal baa ka dhimoo
Shacbigii wadhantii
Wakhtigaa dafiroo
Kawreeg xiddigii
Wadadii alqafroo
Wax rumaysashadii
Wahab baa kudhacoo
Wada haysashadii
Wahanbay kordhisoo
Ma fahmaayo warkee
Warwaroow is macnee
Wadankayga samoow
Nin wax sheeganayoo
Wadar xoolo ahayd
Mar uu waayay daraad
Ka wisiisiyayoo
Wiiqsanbaan ahayoo
Wacadkaan sugayaa
Wadadii ka lumee
Ma wadeeca kalaa
Wadankayga Samoow
Af wal waal ku jiraa
Waligii ma hadlee
Waxa kaa xishay weedh
Ma wareersanayaal
Iyagoon wax tarayn
Dadka waninayoo
Umadii walfiyaa
Wadankayga samoow
Wacantii an ogaa
Jin wadhaaminayaa
Ubadii walmiyee
Waxan meesha hurdaa
Ma wadaado lamood
Wadka soo dada jaa
Wadankayga samoow
Xaaladaadu walee
Run ahaan ma wacnoo
Shacabkii wardigii
Wadar dooxato ah
Warma dheer sudhayoo
Wadku laa wadku laa
Shan waraabo dhuboo
Xisbi weer u xidhoo
Dadka weecsanayoo
Umadii wanjalaa
Waxma haysatadii
Wabi hoose dhigee
Wacad eebe runtii
Ha wadaago dhurwaa
Kufri waano islaam
Uma weecsho dhagtoo
Waxyigeena furqaan
Mujrim looma wade
Show walaalnimadii
Wadnahaygu jeclaa
Waxma fiirasadayaal
Walbahaarshay dadkoo
Sharcigii wanjilaa
Waadi dheer ku ridoo
Mar haday wajeqeen
Abwaan waayaha qaar
Wadankiisa dartii
La waraaqay habeen
Waaxid sooma ceshee
Ka walee ka walee
Kun wadeeco dartood
Wardigaan rogayaa
Kama weecdo cirkoo
Dad wisiisiyayoo
Weelal aan ku filnayn
Waslad loogu ridaa
Warmihii lulayoo
Waaxidawda hayee
Nin waxayga sitaaw
Hadaad waax iyo waax
Wanka noogu jarayn
Ma wadaagi karnoo
Waxaad wayday shale
Weerka kuu xidhayee
La wareentay dadkaa
Ana ii wacdiyoo
Wan qashayda cunee
Jin i weerarayoow
Wacdaraan ogohee
Marka waagu baryaa
Warku kuu cad cadaan






