Axmed Siilaanyo oo ka Hadlay Dhaawaca Gaadhay
Posted by Sawnews.tk on July 10, 2009
Hargeysa(Sawnews/Bnn)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in caafimaadkiisu taam yahay wax dhibaato ah oo weyna aanu qabin.
Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in saaka Salaadii hore uu damcay inuu Jimicsado oo uu socod qaato balse uu dhacay taasin ay keentay inuu Misigta ka jabo balse aanu dhibaato kale qabin.
Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inuu si weyn ugu mahad celinayo Madaxweyne Kuxigeenka iyo Cidii kale ee soo booqatay iyo Dareenka Walaltinimo ee ay ii muujiyeen.
Siilaanyo oo la hadlayey BBC-da ayaa yidhi “bismilaahi raxmaani raxiim . alxamdulilaahi rabil caalamiin . caafimaadkaygu aad buu u wanaagsanyahay,ilaahay baan ugu mahadnaqayaaa, sida aad sheegtay saaka salaadii ka bacdi ayaan is idhi yar jimicso oo daaradaa yar wareeg dabadeetana halkan jaran jaradayda oo waxoogay yara dheer ayaan lugta la seegay daba deedna waan dhacay, si adag baan udhacay, dabadeedna dhakhtaradii way ii yimaadeen waala i qaaday waala isoo sawiray wax dhibaato oo badani ma jiraan, waana wax insha alaahu aan hubo inay iska fiicnaan doonto bi idmi laahi kariim, waxaan doonaya inan halkan uga mahadnaqo madaxda umada oo dhan oo ii wada timi halkan kan madaxweyne ku xigeenkii iyo masuuliyiinta xoghaya guud ee UDUB masuuliyiinta kale ee xisbiga iyo masuuliyiinta ucid. kuligood way ii wada yimaadeen dareenkaa walaaltinimo iyo dadnimo ee ay ii muujiyeen aad iyo aad ayaan ugu wada mahad celinayaa kuligood:,
Dhinaca Kale Warsaxafadeed Kooban oo uu Soo SaarayGuddoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa sheegay in Dhakhaatiirtu caddeeyeen in aanu Gudoomiye Siilaanyo wax kale oo dhaawac ah qabin, balse ay Misigta ka soo gaadhay jabniin fudud.
War-Saxaafadeedkaa kooban ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaanu umadda la socodsiinaynaa in saaka abbaaro 7:00 subaxnimo uu guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo isleh soo lugee, uu ku turunturrooday Jaranjarta barandaha Gurigiisa. Ka dib markii Cusbatalka Hargeysa la geeyay, waxa Dhakhaatiirtu caddeeyeen in uu Jabniin fududi ka soo gaadhay Misigta. Waxa kaloo ay dhaqtaradu caddeeyeen inaan wax kale oo dhaawac ahi soo gaadhin Guddoomiyaha. Guddoomiyaha oo hadda ku sugan Gurigiisa waxa ay Dhakhaatiirtu kula taliyeen in uu Gurigiisa ku nasto in muddo ah.”
Booramanews








