SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gabdhaha Dugsiyada Somaliland Waxa Galay Jin Maahee Waa “Jirraba Kale”.

    Posted by Sawnews.tk on May 13, 2009

    bashir-goth1 Dhawaan waxan ku arkay Shabakadda Saylac.com war sheegaya in gabdhaha ku jira dugsiga la yidhaahdo Umaya Binu Kacab uu ku dhacay fajiciso uu Maamulaha Dugsigu ku sifeeyey in gabdhaha ”Jin Galay”. Dhegayso waraysi ku saabsan Jinka. Maamulaha Dugsigu wuxu sheegay in gabdhaha oo qaybta ay wax ku dhigtaan ka takooran tahay qaybta wiilasha la fasaxay laba cisho markii xaalkooda laga yaabay ee gabdhaha dhicitaankooda iyo dhakhtar geyntooda waxbarashadii carqaladaysay.

    Wuxu intaa raaciyey in labada cisho ee gabdhaha la fasaxay Dugsiga quraan la saaray oo inta baahiyeyaal waawyen lagu xidhay quraan oogta lagaga qaaday si jinku uga cararo. Gabdhahana waxan ku waaninay ayuu yidhi in ay ka fogaadaan muusiga ay dhegeystaan ee ay dugsiga la yimaadaan oo cibaado iyo salad u go’aan.

    Maamuluhu ma kala caddayn in jinku ahaa mid Muslin ah oo marti ah oo intuu quraanku deeqay niyad wanaag iyo raynrayn ku socoteeyey, ducana reebay iyo inuu ahaa mid gaal ah oo duullimaad ku yimid Dugsiga oo intuu quraanka ku gubtay naftiisa la baxsaday.

    Weydiimahaa waxa keenay Maamulaha oo ku hadlay waxa Afka-Ingiriisida lagu yidhaahdo ‘absoulte certainty’ oo ah ‘yaqiin biyo kama dhibcaan ah’. Taasina waa mid looga roon yahay nin la filayo in uu hayo iftiinka aqoonta, laguna aaminay inuu kobciyo caqliga ubaxa mustaqbalka. Waxa looga fadhiyey in uu carruurta ku tababaro in ay xaalad kasta oo timaadaa baadhitaan ku sameeyaan  isaga oo ku caawinaya lana kaalmaysanaya dadka xaaladaha kolba la soo darsa aqoonta gaarka ah u leh. Waxa kale oo la ogyahay in shakigu yahay asaaska waxbarashada, yaqiinta indha la’aaneedna ay tahay astaanta jahliga.

    Waxa iyadna mudan in ay Maamulaha gees martay in muusigu ka mid yahay waxyaabaha nafta lagu daweeyo oo ay habboonayd in uu gabdhaha u furo in ay iskugu yimaadaan caweysyo muusig ah, kuna dhiirri geliyo ardaydu inay wiilal iyo gabadhaba wada sameeyaan riwaayado iyo dodo isku dhaf ah oo ay isku bartaan kuna qalbi furfurtaan.

    Waxa Somalidu ku maahmaahdaa kitaab galkiisii loo diiday sayax Allaa baday, haddaba dhallinyaro loo diiday wixii naftoodu ku furfuran lahayd ee ay xamaaska iyo tamarta xooggan ee ay hayaan ay ku fulin lahaayeen oo ka mid tahay ciyaaraha, fanka iyo doodo iyo shirar isku dhafan oo ay ku kulmaan wiilasha iyo gabdhuhu, waxa hubaal ah in anfariirka ku dhacay uu yahay mid ka dhashay cabdudhaadda ay ku jiraan.

    Waxan oganahay dhaqankeena waxa jiri jiray in dhallinyaradu, wiilal iyo gabdhaba, ay iskugu yimaadaan tumasho xilliyada aroosyada oo la wada dheeli jiray ciyaaro dhaqan. Waxay wada tumay jireen xoogweynta, saddexleyda, dhaantada, hirwada iwm dhawrka cisho ee aroosku cusub yahay. Taas waxa ku jiray caafimaadka dhallinyarada iyo bulshada. Iyada oo muusiga iyo ciyaaruhu ay qayb libaax ka ciyaaraan isku xidhka bulshada, isabarashada dhallinyarda iyo isweydaarsiga iyo aroorinta dhaqanka.

    Waxa haddaba muuqata in carruurta ku jirta dugsiga Ubaya Bin Kacab ay arrimahaas oo dhammi mamnuuc ka yihiin. Maamulaha iyo maamulka dugsiguna waxay illoobeen in dhammaan arrimahaa aan soo sheegay ay ka mid yihiin koritaanka caafimaadka qaba ee jidhka iyo caqliga ardayda.

    Dhab ahaantii mid lala yaabo maaha in gabdhuhu ay umal iyo anfariir la dhacaan waayo waxay joogaan meel aan la oggolayn in lagu daawado riwaayad oo aanay wiilasha iyo gabdhuhu si gudboon u wadaagayn ciyaaro iyo nolol dugsiyeed wadareed. Markuu xaalku sidan yahay waxa la garan karaa in jinka gabdhaha galay aanu ahayn jinkii la yaqaanay ee uu yahay cudur kaga yimid cabdudhis. Dhallinyarada isbiimaynaysa ee badaha isku tuurayaana waxay ka cararayaan maaha shaqo la’aan oo keliya ee waxa u raaca xidhxidhnaanta bulsho ee ay ku jiraan.
     
    Waxan ognahay in waayadii hore ay haweenkeenu lahaan jireen xaflado u gaara oo ay isugu yimaadaan sida saarka, wadaadada, xaawiyo faadumada,ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iwm. Xafladahaasi marka dib loo eego waxa la garan karaa in ay ahaayeen dawo bulsho oo haweenka u buuxinayey baahi ay u qabeen in ay is arkaan, muusig iyo durbaan tuntaan oo nafta raaxo geliyaan. Culimadeenii hore cilmi iyo xikmad ay u lahaayeen faa’iidada arrimahaas awgeed ayey iskaga daayeen oo ay u arkeen in cilmi-dumar uu yahay mid muhiim u ah caafimaadka bulshada.  

    Waxa anigana fajiciso igu riday sida madasha cilmiga ee la rabo in ay soo saarto dadkii aqoonta bulshada ku hoggaamin lahaa mustaqbalka looga waayey qof yidhaahda waar jinku muxuu gabdhaha yurub iyo maraykan ee muusigga iyo tumashada ku dac dhabanaya ugu dhici waayey ee uu Somaliland oo gabdhuhu salad ku foogan yihiin ugu cagajuglaynayaa.

    Waxa naxdin leh in macallimiinta loo igmaday in ay ubadka indhaha u furaan ay intay baadhitaan cilmiyeed samayn lahaayeen, ardayda ka qayb gelin lahaayeen oo ay dadka cilmi nafsiga ku takhasusay sida Dr. Cabdishakuur Jowhar oo kale ay la xidhiidhi lahaayeen, ay u dhaqmeen sidii dad aan madal waxbarashaba joogin. Markaa aaway faa’iidadii cilmigu oo aaway faduushii aqoontu (scientific curiosity).

    Quraanka waa halkeesa oo wuxu ku mid yahay daawooyinka cilmi nafsiga ah, waana dawo mawjuud ah oo si dhakhso ah loo isticmaalo karo, laakiin macallinka waxa gees martay in muusiga, qosolka, maaweelada wadareed ee wiilasha iyo gabdhuhuna ay yihiin qaar dabiibka qayb weyn ka ah oo inta aan Quraankaba la gaadhin xaalka gabdhaha iyagu daguuge marin lahaa.

    Anigu waxan si gaar ahaaneed gabdhaha ugula dadaali lahaa sidii ay u akhriyi lahaayeen buugga qosolka ee dhawaan uu qoray Jamaal Cali Xuseen. Adduunka wuxu u dabaal degaa maalinta qosolka bisha May 3 sannad walba, markaa malaha waxa haboonayd in gabdhaha loo oggolaado in ay maalintaa xusaan oo ay kitaabka qosolka iyo qaar kale oo ayagu ururiyaan ay fasalada ku akhristaan.

    Haddaba, si aan u tuso gabdhaha inaan arrintani iyaga gaar u ahayn oo aanay ahayn jin gaar Somaliland guryo ugu leh waxan soo turjamay dhawr dhacdo oo ka mid ah boqolaal dhacdo oo tan la mid ah oo meelo badan oo dunida ka mid ah lagu arkay:

    Qarniyadii Dhexe, Faransiiska

    Waayadii qarniyadii dhexe (Middle Ages) waxa la soo weriyey tobanaan anfariir wadareed oo ku dhacay haweenka wadaadada masiixiyiinta ah eek u oodnaa, noloshana kaga xakamaysnaa Kaniisadaha Yurub. Waxa dhici jirey in gabdhaha waalidook ku qasbo in ay ku biiraan dariiqooyinka diinta oo ay raacaan nolol ka fog guur kuna dhaar galaan in ay ciseeyaan caydhnimo iyo iyaga oo qabta shaqo adag. Waxa waayada la rumaysnaa in dadka ay geli karaan xawaanku sida yeyda.

    Waddanka Faransiiska waxa isaga aad loo necbaa bisadaha iyadoo lagu dacweynayo in ay la xero galaan jinka. Taas baa markaa keentay in gabdho ku jiray kaniisad Faransiiska ku taalay ay bilaabaan in ay u ciyaan sida bisadaha. Maalin walba xilli isku mid ah ayey gabdhaha wadaadada ahi sida bisadaha u ciyi jireen. Arritnaas ayaa muddo socotay oo dadkii wareerisay ilaa gabdhihii loo sheegay in irridda Kaniisada la dhigay ciidan boolis ah oo amar lagu siiyey in gabadhii sida bisadda u cida ay ulo dhaadheer ku garaacaan. Gabdhihii halkaas bay ku joojiyeen bisadayntii. (Zimmermann cited in Hecker 1844, 127)

    Qarnigii 15aad iyo Jarmalka

    Kaniisad ku taalla Jarmalka ayey gabadhi bilowday in ay qaniinto gabdhiihii kale. In yar dabadeed gabdhihii oo dhan ayaa mid walba tii kale qaniintay ilaa arrintii ku fidhay Kaniisado kale oo ku yaalay Jarmalka oo ay gaadhay ilaa dalka Hooland ilaa Room.(Zimmermann cited in Hecker 1844, 127).

    Salem, Massachusetts, 1691-1693

    Sannadkii 1692 waxa ka dhacay tuulada Salem eek u taala gobolka Massachusetts anfariir wadareed ku saabsan sheekooyin sixir oo dad badan maxkamado lagu taagay, qaar lagu jidh dilay, qaar lagu xidhxiday, qaarna lagu dilay. Ugu yaraan 20 qof  ayaa arrintaa ku qudh waayey. Arrintu waxay bilaabantay sannadkii 1691 markaas oo sideed gabdhood oo tuulada ku noolaa lagu arkay astaamo cajiib ah oo ay ka mid tahay hadal is-dhaaf ah, dhicitaan sida suuxdinta ah, iyo arrimo kale oo lala yaabay.  Gabdhihii laba haween ah ayey ku eedeeyeen in ay sixreen dabadeed arrintii ayaa fiday ilaa boqolaal qof lagu eedeeyey in ay sixiroole yihiin. Dad badan ayaa lagu xidhay arrintan oo socotay muddo labo sanadood ah ilaa Gudoomiyaha Gobolku arrintii go’aan kama dambays ah ka gaadhay oo amray in la sii daayo dadka xidhan arrintana halkaa lagu xidho.(Nevins 1916; Caporael 1976; Karisen 1989)

    West Bank, Jordan, 1983

    Muddadii u dhexaysay bilaha Maars ilaa Abriil ee sannadkii 1983 arday tiradoodu gaadhayso 947 oo u badan gabdho waxna ka barta dhulka Falastiin ee  Israa’iil haysato ayaa waxa ku dhacay arrin dadka ka yaabisay oo carruurtu Iskuulada ay ku dhacayso dawakhaad, calool xanuun iyo dhicitaan. Waxa arrinta sii xumeeyey iyada oo lagu xidhiidhiyey colaadda ka dhaxaysa Falastiin iyo Yuhuudda oo la yidhi gaas sun ah ayey Yuhuuddu ku sii daysay Iskuulada. Muddo dabadeed markii arrintii si cilmi ah loo baadhay waxa la ogaaday in aan gaas sun ahi jirin ee arrintuba ahayd uun anfariir wadareed carruurta ku dhacay.

    Sheekooyinkaas iyo kuwa badan oo la mid ah kana yaab badan waxa laga akhrisan karaa warqadda “Mass Delusions” oo ay ku qoreen niman cilmi nafsiga ku takhasusay oo la kala yidhaahdo Robert Bartholomew iyo Erich Goode, oo ay ku qoreen Majaladda la yidhaahdo Skeptical Inquirer, Mujaldkeedii 24aad, cadadkeedii 3aad, May/June 2000. Waxanad ka heli kartaa barta Internetka (http://www.csicop.org/si/2000-05/delusions.html).

    Qoraayaduna waxay nuxurka qoraalkooda ku sheegeen in waxa keena arrimahan oo badanaaba ku dhaca gabdhaha ay tahay cidhiidhi, diiq iyo cabudhis la saaro carruurta oo dabadeed anfariiku yahay karkii dheriga oo kale. Sidaa awgeed gabdhaheena waxa galay jin maahee waa jirraba kale oo ka dhashay naftooda oo saar muusig iyo madadaalo u baahatay.

    Warqadan waxan ku soo gebogabaynayaa hadal qiimo leh oo uu reebay  faylasuufkii la Jarmalka ahaa ee la odhan jiray Nietzsche oo yidhi: “Without music life would be a mistake.” Oo macnaheedu yahay Muusig la’aantii noloshuba waxay noqon lahayd mid qalad ku timid.

    Waxa kale oo aan dadka muusigga diidan xusuusinayaa in dabeecadda duniduba ku salaysan tahay muusig markaad eegto dabaylaha dhicitaankooda, roobka, onkodka, hillaaca, cadeed soo baxa iyo cadeed dhaca, habeenka iyo dharaarta, Xubnaha jidhka aadamaha ee ka mid yihiin wadnaha dhugtiisa, indhaha libiqsigooda, ilamaha caloosha ku jira ee wareegaya iyo dawaafka kacbada. Intaasuba waxay ku dheehan dhicitaan muusig oo Eebbe u sameeyey.

    Markaa arrintan oo kale si aanay mar danbe u dhicin bal gabdhaha iyo wiilashaba ha lagula dadaalo in ay helaan wax ka neefiya oo uu ka mid yahay muusiga, qosolka, riwyaadaha, filimada, xaflado iyo ciyaaro wada jir ah.

    Qore:  Bashir Goth

    Email: bsogoth@yahoo.com

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    Follow

    Get every new post delivered to your Inbox.

    %d bloggers like this: